Ra’isul Wasaaraha Canada Oo Hambalyo U Diray Wiil Niyad-jab kala Kulmay Xafladii Dhalashadiisa.

Jason Foster oo ah Aabaha dhalay wiilka Xaflada dhalashadiisa lasoo xadiri waayay ayaa barta Twitterka ku leeyahay dhigay Sawirka wiilkiisa oo hortaagan miis uu saaran yahay toortadii la jari lahaa xaflada dhalashadiisa iyada aysan cidna la joogin.

Fariinta uu aabahan soo dhigay bartiisa Twitterka oo u qorneyd sida tan ”Waxaan saaxibadayda Twitter-ka ka codsanayaa in maanta wiilkayga aad u muujisaan jacayl”, waxa ayna fariintan keentay in dad badan sii faafiyaan jaceylna u muujiyaan.

Kumanaan qof ayaa durba ka fel celiyay fariinta aabaha dhigay Twitterka una hambalyeeyay wiilka yar, waxaana dadka hambalyeeyay ku jiray Ra’isul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau iyo dad kale oo caan ah.

Aabaha dhalay wiilka niyad jabka dareemay ayaa sheegay in fariintii uu dhigay Twitterka isaga iyo qoyskiisa ka heleen farxad badan iyo garab istaag ,waxa uuna cadeeyay in aysan marnaba ilaawi doonin maalintan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker