SHEEKH RUSHEEYE WARKIISU WAA ALAMTARANA SOO DHAAF

Waxa maalmahan magaalad Burco dadka ku rushaynayey ninka la yidhaahdo Sh.Rusheeye, ninkan sida caadadiisa ha ama magaciisaba ka muuqata waxa uu isticmaalaa inuu dadka rusheeyo isagoo u isticmaalaya cilaajin ahaan, maadaama ay dadku badanyihiim oo garoomada uu howshan ku qabanayaa soo buuxsamaan waxa uu isticmaalaa nidaamka labeejada ee baabuurta loogu talo galay si ay biyo meelo fogfog u gaadhaan.

Isagoo horeba howshiisan u watay wallow muran badan uu ka dhashay Hargeysa markii uu ka bilaabay hadana intii dambe howshiisa wuu iska watay dadkiina u tagayeyna way yaraadeen waxaanan u malaynayaa inay taasi keentay inuu suuq cusub Burco u raadsad.

Nin kaas waxaan ka daawaday muuqaal yar oo kooban (clip) kaas oo uu ku sheegayo inuu carinayo culimada uuna leeyahay “Car waa ninkii Sheekh ah ee halkan aan wax ku rushaynayo yimaada ee sidaydoo kale samayn kar ama howshaydoo kale qaban kare intaas ayuu mudo ku celcelinayaa isagoo marmarka qaar hadalo suuqi ah oon ahayn kuwii culimada looga bartay isticmaalaya waxaana uu markii dambe ku daray inuu Kun Dollar oo sharad ah siinayo Sheekhii yimaada wuu sii kordhiyey ilaa oo labo kun oo Dollar buu gaadhsiiyey, siiqada ama hab hadalka uu isticmaalayaa waa sidii uu dadkan uu lahadlayaa hor joogaan ama si kale hadaan u dhigo ah marka dadka jinka laga saarayo”

Hadaba waxaan leeyahay Sh.Rusheeye hadii aad isticmaalayso Quraanka kariimka ah ood dadka ku cilaajinayso uma baahna carine waxa jooga culimo qaybtaas aad u yaqaan dadkuna ku reeyeen sida Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil, Sh. Cabdiqaadir, Sh. Cawil Faatax iyo kuwo kale oonan halkan kusoo koobi Karin.

 

Laakiin hadaad khuraafaad iyo wax dadka kale ku adag aad hayso cidina kuuma imanayso waana adi iyo allahaa.

Midna wasaaradda Diinka iyo Awqaafta ayaan leeyey oo ah dadkan in waxii diintooda khalkhal galinay aad ka qabataan maadama aad howshaas idin u xilsaarantiin cidkalena ayna canaanteeda idinla wadaagin mar hadii uu ninkaa Sheesha ahi marayo car yaa ii imanay.

 

 

W.Q. Maxamed Haybe

Haibe33@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker