MADAXWEYNE QOLADII BUTLAND QAYLADII BAA KA DHAMAATAYE DUCO MAAD QAADAN OO MAAD INAGA DAYN.
Madaxweyne marka hore siyaasadaada iyo ta xukuumadaadu yaanay u sanqadhin sidii Rasaas dhacaysa Oo laga wada dido laakiin ha Ahaato Rasaas dhacaysa Oo bilaa sanqadha Oo ku dhacda cadawga somaliland iyadoon la dareemin.
Madaxweyne siyaasada xukuumadaadu waa inay noqoto mid wax soo jiidata Oo dagaalada qabaa-ilka xalisa Oo beelahaย cabanaya cabashadooda tixgalisa Oo dhamaysa wixii ay xaq u leeyiin, Madaxweyne xukuumadaadu waa inay ku xisaabtanto sidii ay u sugi lahayd xuduudaha somaliland si bilaa sanqadha Oo Aanu dhiig ku daadan.
Madaxweyneย qolada reer-butlandย iyoย soomaaliyaย waxayย ka xanaaqeenย Hadalkiiย kaa soo yeedhayย Eeย Aad Ku tidhi Aabihiinย Oo Afweyne ahaa baanu jabinayย idinka Ooย ciyaalkisii Ahina waxbaย sheegi maysaan.
Madaxweyne Waa la og yahay cida jabisayย dawladiiย Siyaad Bare laakiin ha ku cadaynin ileen ciyaalkiisii baa xanaaqaaya Oo walibaย Aynu qaar ka mida sasabayno.
Madaxweyneย siyaasada inagaย macaaneeย Dagaalka xabada ahna yaraysoย dagaalka bilaa xabada ah Ee siyaasadaysanaย badsoย Ee dalka iyo dadkaba Anfacayaย cidii cabanaysana hala qanciyo.
Dumarkan sabaayada dubayana hala joojiyo buun buuninta dagaalka iyo hambalyadiisanaย hala joojiyoย dad kana latasho Anigaygaaย miskiinka ahna ha ahaate qof Aanay talo kujirini majiro taladana adigaa ubaahane iyadu kuuma baahna.