Ciyaaryahanka Reer Masar Ee Maxamed Salaax Oo Qarankiisa U Safan-doona Koobka Adduunka

Ciyaaryahanka reer Masar ee Maxamed Salaax oo kooxda Liverpool uga ciyaara afka hore ayaa loo xushay in uu ka mid noqdo xulka Masar ee Koobka Adduunka ka qaybgalaya, inkastoo uu dhaawac ka soo gaaray ciyaartii kama dambaysta ahayd ee koobka Horyaallada Yurub.

Salaax oo 25 jir ah ayaan ciyaaryahannada xulka qaranka la kulmi doonin inta ka horraysa 9 Juunyo, maadaama oo uu wali ka soo kabanayo dhaawac, sida uu sheegay xulkiisa qaranka.

Masar ayaa ciyaarta u horraysa ee Koobka Adduunka la yeelan doonta Uruguay 15 Juunyo.

Bisha Juunyo 19-keedana waxay foodda is dari doonaan Ruushka oo martigalinaya Koobka Adduunka, ciyaarta kama dambaysta ah ee horinta A waxay isaga hor iman doonaan Sacuudi Carabiya 25 Juunyo.

Saalax ayaa daqiiqaddii 95 dhaliyay gool ku laad ciyaartii kama dambaysta ahayd ee loogu soo baxayay Koobka Adduunka, sidaasna ku xaqiijiyay in Masar ay ku soo noqoto Koobka Adduunka 28 sano ka dib.

Laakiin ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Horyaallada Yurub ayaa laga saaray garoonka kubadda isaga oo ilmaynaya ka dib markii uu dhaawac xun ka soo gaaray Sergio Ramos oo ku dul dhacay.

Dhakhtarka xulka Masar ayaa sheegay in uu si dhakhso ah ula kulmay Saalax wax yar uun ka dib ciyartii kama dambaysta ahayd, uuna xaqiijiyay in dhaawiciisu uusan ka badan doonin saddex toddobaad.

Masar ayaa barbaro eber iyo eber ah la gashay Colombia oo ay ku wada dheeleen Talyaaniga Jimcihii, iyadoo uu Saalax dhaawac kaga maqan yahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker