Ururka Alshabaab oo Dawlada Kenya ku Qasbay inay Xidhaan Wadada Isku Xidha Mandheera iyo Nayroobi
Gaadiidka Isticmaala Wadada Isku Xidha Magaalooyinka Mandheera iyo Nayroobiย Ayaa Maanta Sababo Dhanka Amniga ah Loo Joojiyay
Shalay gelinkii dambe ayay ahayd markii dabley Hubaysan ay ugu yaraan hal qof ku dileen Bas marayay meel u dhaw Deegaanka Rhamu ee Mandheera.
Wararka ayaa intaa ku daraya in gaadhi kale oo dawo waday jidka Loo galay, isla markaana dad lagu dilay.
Booliska ayaa ku amray shirkadaha basaska inay nagaadaan inta laga xaqiijinayo ammaanka wadada.
Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa Weerarro inta badan lagu beegsanayo dadka aan deegaanka u dhalan ka fuliyay deegaanno ka tirsan Mandheera.