Suldaan ka tirsan Salaadiinta Somailand oo lagala baxay gurigiisa Muqdisho

Wakiilka Suldaanka Beesha Makaahiil Samaroom Suldaan Cabdulqaair ayaa   lagala baxay gurigiisa, waxaana lagu xidhay Xarunta Dambibaarista CID ee KM4.

Suldaanka lagala baxay gurigiisa ayaa waxaa dhowr jeer u yeertay xeer ilaalinta Qaranka, wuxuuna diiday inuu tago, waxayna xogaha aan helnay sheegayaan in laga gudbiyey dacwad.

Warar lagu kalsoonaan karo   ayaa tibaaxaya in Suldaanka loo xidhay arrimo la xidhiidha kuraasta beeshiisha, gaar ahaan kursiga 226 oo ay ku fadhiso Xildhibaan Maryan Maxamuud.

Xadhigan waxaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Axmed Yuusuf oo u rabay kursiga tirsigiisu yahay 226 in loo xidho musharax ay qaraabo yihiin oo lagu magacaabo Yoonis Bashiir Muuse.

Xadhiga loo geystay Suldaanka ayaa kusoo aadayo xilli dib loo bilaabay doorashada xubnaha Golaha Shacabka, waxaana Muqdisho ka socdo loolan loogu jiro kuraasta   Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker