Tariikhdii waxbarasho 1966

Sannadkii 1966 , waxbarashadu heer sare ayay maraysey, taasoo aanu dhammaysannay waxbarashadii Dugsiga Dhexe sannadkaa isaga ah 1966 oo markaa lagaga baxaayey fasalka 7aad. Natiijadii imtixaanku kolkii ay soo baxay, waxa keliya oo nalaga qaatay intayadii keentay derejada A ( grade A ) ee labeenta ahayd, oo aan tarrax lahayn , taasoo kolkiiba naloo kala qaybiyey Dugsiyada Sare  ee kala ahaa Sheekh, Camuud iyo NTEC ( National Teacher Education Certre ) ee Afgooye-Muqdisho ahayd oo Macallimiinta lagu tababari jirey oo kolkaa dawladda Maraykanku, si gaar ah, ay u maamuli jirtey.
Ardaydii kala haysatey derejooyinka B, C iyo D lama tixgelin oo waxna lagama qaadan  oo waa la hakiyey waxbarashadii mihnadaha , farsamada iyo xirfadaha, iyadoo ujeedo kolkaa Dawladdii ka lahayd.  Kolkii sidaasi dhacday ayaa Ardaydii laga tegey is-abaabuleen oo mudaaharaad ka sameeyeen Hargeysa, halkaas oo ay ciidamada Booliska iskaga horyimaadeen oo dhimasho iyo dhaawacba ka dhacay oo hal Arday goobtaa ku dhintay, dhaawacyo badanina soo kala gaadheen ciidamadii Booliska iyo Ardaydiiba . Dhacdadaa ka dib, ayaa ay dawladdii Aden-cade ku baraarugtey oo arrintii soo gashay oo Ardaydii dejisey, xalna u raadisey. Ardaydii derejada B iyo C , waxa dib loogu furay Dugsigii farsamada ee Tareedhiska  la odhan jirey ( Trades School)  iyo kuwii xirfadaha sida CTC ee karraanimada lagu baran jirey oo Hargeysa ahaa, kuwii derejada D-na waxa loo qaatay badi Ciidamada kala duwan oo berigaa shaqaalaha lama qaadan jirin ilaa uu aqoon iyo xirfado loo helo.  Sannadkaa 1966 waxa uu ahaa sannad Taariikhiya oo waxbarashada iyo xulashada Aqooneed ku caan ahaa iyo tixgelinteedaba . Waxa aan filyaa, haddii aanan qaldanayn, in tiradii la qaatay ay kala ahayd sidatan: Sheekh 2 fasal (50 arday), Camuud hal fasal (25 Arday), NTEC-na hal fasal (30 Arday) oo dhammaan reer Waqooyi ahaa .
Haddaba, waa tan liistadii magacyada Ardaydii berigaa keentay derejada  A,  intii aan ka xasuustay, ee kolkaa loo kala qaatay Dugsiyadii Sare ee Sheekh, Camuud iyo Tababarka Macallimiinta (NTEC) ee Afgooye oo markii dambe laga dhigay Jaamacaddii Lafoole, Afgooye Muqdisho, dhismeyaasheeda oo cajiib ahaa darteed .  Intaan ka xasuusanahay Labeentii derejada A ( A students ) waa :-
1. Muuse Biixi Cabdi … Madaxweynaha JSL      ….  Secondary
2. Maxamed jaamac Rooble                                    …. NTEC
3. Cali Ibraahim Jaamac …Gudd, Bankiga            …. Secondary
4. Dr. Axmed Xaaji Cabdillaahi (Suufi )               ….  Secondary
5. Axmed Xasan Cigaal   (safiirka Itoobiya )         ….  NTEC
6. Maxamed Axmed Cigaal                                   …..  Secondary
7. Axmed Daa’uud                                                 ….. secondary
8. Cabdillaahi Yuusuf Warsame (A/sanyare)        …..   NTEC
9. Faarax Maxamuud Shire  (F/Barre)                    ….  NTEC
10.  C/Raxmaan Ibraahim Cabdalle                         …. NTEC
11.  Maxamed Cabdillaahi Buuni                            ….. Secondary
12.  Maxamed Cabdillaahi Suufi                            ….. NTEC
13.  C/Raxmaan Ismaaciil Xuseen (A/Cadami)     ….. NTEC
14.  Daahir Cabdillaahi Waaberi                           ….  NTEC
15.  Maxamed Muxumed Axmed (Jameeco)        ….  NTEC
16.  Maxamed Cusmaan Bakaal                          ……    NTEC
17.  Amina-Milgo X. Maxamuud Warsame       …….   NTEC
18.  Ibraahim Maydhane Buraale                    …….      NTEC
19.  Caasha Koosaar Maxamed                           ……..   NTEC    AHN
20.  Maxamed Aadan Dhalawac    …………………..     Secondary.
21.  Maxamed faarax Diiriye ( Jeemis)    ……………      NTEC     AHN
22.  Maxamed Cali Ibraahim                                ….. NTEC     AHN.
23.  Maxamed Xaashi Dhamac(Gaariye)  ……….   Secondary AHN.
24.  Maxamed Maydhane Buraale                        ….  NTEC     AHN.
25.  Maxamed Shire Maxamed ( Maaweel )        …..  NTEC    AHN .
26.  Maxamed Maxauud Warsame (Afeey )        ,,,,,    NTEC    AHN .
27.  Yuusuf Maxamed Jaamac (Y/Gacamey)      …..   NTEC     AHN .
28.  Maxamed Xaaji Maxamuud (Shaqalle)   ……… NTEC     AHN .
Haddaba, liistadu waa ay furan tahay ee cid waloo ka mid ahayd, ha noolaato hase dhimatee, oo Ardaydii Sannadkaa ka mid ahayd,( Lot-kii 1966),  haysku soo dareen ama ha lagu soo daro, waxase la hubaa in aad cid ka baxsan lagu soo dari doonin oo waa lays wada garanayaa Dugsi-Dugsi iyo guud ahaanba. Markaa liistadu waa ay idiin furan tahay ee ku soo dhowaada , waayo waa sannad taariikhda mar-la-arag ku ahaa oo hal mar ina soo maray oo aqoonta gaar loo xushay`, loona tixgelin jirey, taariikh ahaanna fiican in la ogaado oo lagu darsado, maxaa yeelay hadda ayay kooxdayadaasi (Lotkii 1966)  soo shaac-baxday . maadaama ay in badani maanta madax ka yihiin Jamhuuriyadda Barakaysan ee Somaliland, sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo kuwa kale oo badan.
F.G: Raali ha layga ahaado intaas baan xusuus ahaan helay magacyadooda ama sawirradooda, inta kalena waan jeclaan lahaaye iigu soo gudbiya Whatsup -ka, magac iyo sawirba .
Waad Mahadsantiin dhammaan .Allaah Mahad Leh .
Maxamed Jaamac Rooble
Agaasimaha Macaahidda Tacliinta Sare ( Director HE Institutions ).
Email  directorhei@hotmail.com  Tel  063 4415969

Prof. Mohamed Jama Robleh
Directorate of Higher Education.
Director, Department of Higher Education Istituations
Ministry of Education and Higher Education (MoE&HE).
Mobile:+252-63-4415969.
Email: directorhei@hotmail.com.
Hargeisa, Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker