Maxaad kala socotaa Badownimada iyo borotokool xumida mas,uuliinta s/land!
inkasta Guud ahaan Dadka somalida ahi ay uu haystaan in Dadka reer s/land yihiin Dadka ugu mutacalimsan , ugu xadaarada dheer uguna ilbaxsan umadda soomaaliyeed taasina ay qayb katahay sababta ay somalidu ilaa iminka uga hadhi waayeen ugana quusaan waayeen somaliland, inkasta oo iminka laga joogo 27 sano markii Dib loo yagleelay Dawladnimada somaliland taas oo ah wakhti dheer oo ku filan in mas,uuliinta somaliland bartaan hab dhaqanka ,hab maamuuska iyo borotokoolka ay ku shaqeeyaan dawladaha caalamku hadana waxaad mooda in aanay mas,uuliinta s/land xilba arintaas iska saarin ama ay dhayal sadaanba. hadaad televisionada caalamka daawatid waxaad arkaysaa madaxda iyo mas.uuliinta dawladaha caalamka gidigood dawlad wen iyo mid yar iyo mid faqiir ah intuba waxay isticmaalaan borotokool isku mid ah oo dunida oo dhan ay iskaga wada dayatay.
hadaba bal ila eega hab maamuus xumida ay ku dhaqmaan mas,uuliinta s/land:
1- waxaad arkaysaa mas,uuliinta s/land oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ilaa wasiirada iyo mas,uuliinta kale ee Dawlada oo shaqadoodii rasmiga ahayd ku jira oo xidhan ama gashan Dharka loo yaqaan (khamiiska) ama (kandoorada) ama (Dishdaashada) oo ah Dhar shisheeye leeyahay oo aanay somaliland u lahayn dhaqan iyo caado midna , dhar kaas waxa iska leh Dalalka carabta waxaana si official ah oo rasmiya u xidha Dalalka khaliijka oo qudha cid kale oo xidhataa ma jiro xitaa Dalalka carabta ee kale sida masar,ciraaq,suuriya ,jordan oo dharkaas lagu xidho arki maysid mas,uuliintii Dawlada oo xidhan taasi waxay ka turjumaysa sida aanay mas,uuliinta s/land u fahamsanayn hab maamuuska ay madaxda iyo mas,uuliinta caalamku ku shaqeeyaan ,waxaanad moodaa in ay uba haystaan in qofka mas,uul ka ahi iska xidhan karo dharka uu dono, bal ka warama hadii la arko madaxweynaha ethiopia ama madax weynaha kenya ama madax weynaha Djibouti oo xidhan (khamiis) ama dharka lagu gashado Dalka pakistan ! . kaaga sii darane waxaad arkaysa madaxweynaha s/land ama ku xigeenkiisa oo qaabilaya wufuud caalamiya iyaga oo xidhan (khamiis)!
2- qaabilaada wufuuda shisheeya: aniga oo aan ujeedin madaxweynaha s/land ee iminka oo qudha bal se u jeeda Dhamaan madaxweynayaashii Dalka soo maray oo dhan ,waxa jira hab maamuus ama borotokool isku mid ah oo madaxda caalamka oo dhan ay ku dhaqmaan markay qaabilayaan wufuud shisheeye ama xitaa wufuud maxali ah taas oo ah in qofka wax qaabilayaa ama madaxweyne ha ahaado ama ku xigeenkiisa ha ahaado ama wasiir ha ahaadee in uu hor fadhiisto wafdiga uu qaabilyo darajo kasta ha lahaadee laakiin waxaad arkaysa madaxweynihii somaliland ama ku xigeenkiisii ama wasiiradii oo markay wufuuda qaabilayaan usoo fadhiisanaya sidii ay la shirayaan mas,uuliintii ama shaqaalihii iyaga ka hooseeyey taas oo ah arin badownimo ah oo fool xun oo aan dunida lagaga dhaqmin taasna waxa eeda iska leh shaqaalaha u xilsaaran borotokoolka oo ah Dad shaqada lagu keenay eex,qabyaalad iyo naas nuujin balsee aan wax aqoon ah ulahayn borotokoolka!
3- waxaad arkaysa madax weynaha somaliland weliba mdaxweynaha hada jooga muuse Biixi oo marka uu qaabilayo wafdi shisheeye markiiba wafdiga lakoraya ama ku soo dhowaynaya (shahaado sharaf) ! taas oo aan ahayn wax daruuri ah iyo wax somaliland wax utaraya midna laaakiin Badownimo ah waayo wafdiga kuu imanaya marwalba wuxuu kuula imanaya isaga oo xambaarsan moowqfika dawladiisu ama hay adda uu ka socdaa ka qabto somaliland , shahaado sharaf ama hadyad aad waftiga siisaana wax ba ka bedeli maayaan arintaas waxana taas dhaanta adiga oo is adkeeya oo iska dhiga in aanad muhtam ba ku ahayn imaatinka waftigaas Dabeedna ka dhegaysta waxay kuula yimaadaan una sheega moofqifka somaliland iyo waxa ay uga baahantahay Dawlada ama hay adda wafdigu ka socdo..
la socda qaybaha kale
khadar xussen
Jeddah,KSA