Akhri Qodobada ka soo baxay Kal-Fadhigii Golaha Wasiirada Somaliland ee Maanta
Hargeysa (OWN) Shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada Somaliland oo ka Qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland isla markaana uu ku Saxeexnaa Afhayeen Qasriga Madaxtooyada ayaa u dhignaa sidan:-
WAR-SAXAAFADEED:
Kal-fadhigii 16-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa diiradda lagu saaray tayeynta horumarinta waxbarashada dalka, xooggana loo saari lahaa, tababarrada macalimiinta, agabka waxbarashada, dhiirrigelinta dugsiyada farsamada gacanta iyo in dugsiyada gaarka loo leeyahay ay raacaan manhajka qaranka loo dejiyey.
Taabbo-gelinta tababarrada macalimiinta oo muhiim u ah aas-aaska waxbarashada, iyada oo kor loo qaadayo xirfaddooda aqooneed, lana tayeynayo agabyada waxbarashada.
Iyadoo laga duulayo muhiimadda dugsiyada farsamada gacantu u leeyihiin shaqo abuurka iyo barashada xirfadaha kala duwan, waxay xukuumaddu hawlgelinaysaa dhammaan dugsiyadii farsamada gacanta ee dalka, si loo kobciyo mihnada aqoonta bulshada.
Waxa kale oo goluhu isla qaatay in waxbarashada gaarka loo leeyahay lagu dabbaqo manhajka qaranka Somaliland, si loo mideeyo waxbarashada dalka.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.



