SHACBIGA JAMHUURIYADDA SOMALILAND WAXUU CAMBAARAYNAYAA ERGAY BASAASKA MR. KEATING, MIDAWGA AFRIKA, MIDAWGA YURUB, QARAMADA MIDOOBAY EE AFLAGAADDADA QAAWAN UGAYSTAY JAMHUURIYADDA SOMALILAND.

Marnaba shacbiga somaliland uma dulqaadanayo aflagaaddo ay usoo jeediyaan ururo damiirku ka dhintay, oo dulmiga iska indha tira, kana door bida danta ay leeyihiin, xataa hadday xasuuq ummadeed gaadhayso.

 

Waxaa la yaab ah erayada ka soo baxaya midawga afrika, ee aan runta wax raada ku lahayn. Afrika waxay ilawsantay in dawladaha ay sheeganayaan ay yihiin kuwii lagu asteeyay xuduudihii gumaysigu jeexay, kuna magacaabay dawlado siduu u kala xidhxidhay. Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka mid ahayd shantii ugu horreeyay ee xornimada ka qaatay gumaysigii xilligaa itaal dareeyay, ee ka dhaqaaqay qaaradda. Kuwa sheeganaya dawladaha ee ururka midawga afrika ka dhex dhareeriyaa, waxay daliishadaan inay xuduudihii lakala qoqobay dawladihii ka dhashay ay yihiin, sidaasna lagu aqoonsaday, halka ay somaliland ku duudsiyayaan sababo baadil ah, oo aanay geyin.

 

Waxay taakulo iyo taageero siiyaan maamulka gacan ku rimiska ah, ee xamar sida dhiciska ku bakhtiya dhawrkii sannadoodba mar. Maamulka muqdisho ee dambiilka ay ku sidaan dawladaha ku maxaafsadaa, ee Maamulka golayaashiisa iyo madaxdiisa suuqyada looga yeedho, laguna sheego xukuumad.

 

Waynu ognahay Qaramada midoobay, iyo Midawga Yurub inay shan iyo labaatan sano dawo kasta ku tijaabiyeen inay helaan maamul ay ku shaqaystaan, oo xamar ka hirgala.

Waynu ognahay inay ceelgaabta xamar dad ka soo urursadaan ay ku sheegaan inay kasoo jeedaan deegaamada kala duwan ee somaliland. Kuwaas oo ay kaga been abuurtaan inay matali karaan Somaliland, si ay uqurxiyaan beenta qaawan ee ay ku sheegaan inay Soomaaliya dawlad u dhiseen.

 

Waxaynu ognahay in maamulka Faramaraajo dagaal ku hayo shacbiga Somaliland sidii loo kala qaybin lahaa, oo dhallinta nabadda ku joogta Somaliland looga gacan haadiyo xamar, si loo sameeyo sawir ah, inay somaliland cadaadiso shacbigeeda, oo dhallinyaradii ka doorbiday inay ku noolaadaan miinada xamar iyo dilka joogtada ah.

 

Waxaynu ognahay basaasiin maamulka xamar ka tirsan, oo wasiiro iyo kuwa ka hooseeyaba leh, ay goor walba somaliland ka faafiyaan warar been ah, iyo ceebayn inaan somaliland dawlad noqon karin. Waxay ka qayb qaataan hagardaamada iyo dagaalka dhan kasta ah, ee Faramaraajo maamulkiisu ku hayo jiritaanka Jamhuuriyadda Somailnand.

 

Waxaynu ognahay in Faramaraajo iyo Cabdiwali heshiis ku galeen, in laga dhabeeyo dagaalka lagula jiro Somailand iyagoo kaashanaya Basaaska Mr. Keating, ee lagu sheego ergay u dhaxeeya arrimaha Somaliland iyo Maamulka Xamar.

Waxuu dunida ka dhaadhiciyaa, in Somaliland shacbi kasoo jeedaa ka tirsan yihiin Maamulka Xamar, dadkaasina ku qanciyeen in Somailand iyo Soomaaliya kala tegi karin.

 

Xogaha hadda soo baxaya ayaa sheegaya, inuu jiray heshiis dhex maray maamulka faramaraajo, basaaska keating, iyo dawlado afrikaan ah, iyo weliba dawlado ka tirsan midawga afrika, iyo madax ka socota maamulka guriga cad ee maraykanka.

 

Arrimahaasi waxay tibaaxeen in lagu heshiiyay si foodsaaro loogu helo in Jamhuuriyadda Somailand lagu carqaladeeyo jiritaankeeda, la abuuro xaalad colaadeed. Taas oo jidka usii xaadha in la sharciyeeyo in ciidamo afrikaana la geeyo dhul ka mid ah xuduudda gudaha Somaliland.

Ciidamadaas oo lagu sheegayo inay sugayaan nabadda shacbiga ay isku haystaan labada maamul goboleed ee somaliland iyo Puntland.

 

Waxaa isasoo taraya warbixintii basaas Keating uu gudbiyay oo bilo ka hor sii sheegtay ifafaalaha inuu dagaal ka qarxi doono xuduudda u dhaxaysa somaliland iyo maamul goboleedka Puntland. Maxaa keenay in faalladaasi timaaddo iyadoon weli colaadi jirin.

 

Waxuu basaaska Keating qoraallo ku gudbiyay inuu werwer ka qabo in colaadi ka bilaabato gobollada Sool iyo Sanaag, taas oo foodsaaro u noqota in midawga afrika, midawga  Yurur, iyo Qaramada midoobay baaq soo saaraan ay ku cambaaraynayaan Somaliland, uguna baaqayaan inay ciidankeeda kala baxdo deegaamada ka tirsan Somaliland.

 

Waynu ognahay in cabdiweli loo adeegsaday inuu sheegto dagaalka masuuliyaddiisa, taas oo aynu ognahay in Faramaraajo yahay madaxweynaha Cabdiweli, muddadii dagaalka lasoo qaaday, iyo intuu socdayba uu ka aamusnaa. Waxay ku tusaysaa inuu filayay in dagaalku sii adkaado, oo hadhaw kaga dhabeeyo shirqoolkii ay u diyaariyeen in somaliland lagu fuliyo.

 

Munaafaqadda ay midawga Afrika, iyo midawyada kale isku raaceen waxay sii xoojinaysaa isku duubnida shacbiga somaliland, oo mar walba ka guulaysta abaabulka gumaysigu ugu jiro inuu oggolaysiiyo danaha uu ka rabo.

Somaliland waxay isaga hanwayntahay faragelinta shisheeye, oo ay tustay inay tashan karaan iyagoo cidwaliba albaabka ka oodatay.

 

Maanta digniintii ugu dambaysay ee Faramaraajo usoo diray somaliland, inuu keeni doono ciidan gobolo somaliland daga, oo ka mida ciidamada jaabajaabaha ah ee afrkada looga soo yaboohay, iyo aflagaaddada ka soo yeedhaysa midawga Afrika, iyo gumaystayaashii reer galbeedka ee usoo tafaxaydanaya inay somaliland dagaal kusoo qaadaan, iyagoo ugu soo gabbanaya inay ciidamo keenaan xuduudda Somaliland ee ka mid ah xuduuudihii ay sameeyeen iyagu kuna sharciyeeyeen inay dawlado kala gaara yihiin.

 

 

Maamulka Farmaajo waxuu Somaliland  kusoo qaaday dagaal aan xeer la raaciyo la garanaynin, waxaan ka ahayn xiqdi iyo xumaanta ka buuxda maamulkaa gaadhi gacanka lagu sido, ee ka tiiraanyaysan horumarka Somaliland gaadhay, intuu isqarqarxinaayay.

Shacbiga somaliland waxaa u caddaatay in maamulka xamar kala jeclayn si kasta oo lagu waxyeelleeyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Shacbiga somaliland dagaalka lagusoo qaadaa ma kala laha xaalad, hadday tahay xilli ay xamar u ducaynayaan,, xilli ay dabbaaldagayaan, xilli ay sooman yihiin, xilli abaara, iyo xilli ay duufaano ku dhufteenba. Shacbiga Somaliland indhaha ha kala furaan, garaadkoodana meel fog ha geeyaan.

 

Dunidu waxay maanta isku raacday in Somaliland oo noqotay dawladda qudha ee adduunka dhib kasta oo qabsaday, oo lagu daawaday, iyo hagardaamo kasta oo loo gaystay marnaba u liici wayday wixii lala rabay iyo sandullayntii gumaystayaasha isbiirsaday iyo kuwa uqabbaana, ee ay ku adeegtaan.

 

Somaliland cid ay wax ka haysataa ma jirto, waanay isku tashadeen, waanay ku badhaadheen. Adduunkuse ma jecla qof ka kaaftooma markay dadnimada marayso.

 

Xeerilaalinta qaranka iyo ciidanka amaanka ee Somaliland waxaa looga fadhiyaa inay maxkamadda qaranka hor keenaan dacwaddooda si looga gudo, ama loo xukumo iyaga oo maqan dembiilayaasha basaasiinta ah, ee maamulka xamar  ushaqeeya, ee sheegta inay Somaliland u fadhiyaan xamar.

Arrinkaasi waxuu u quusgoynayaa tuug kasta oo dalkiisa khiyaamayn lahaa, inuu kaga waantoobo cayda iyo hagardaamada xamar lagasoo abaabulo inuu ka qayb qaato.

Somaliland markay colaad qaadato, ayay colaadda xamar ka nabadgelaysaa.

Eng. Youssuf Ahmed

jicsin@hotmail.com

London U. K.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker