DHALIN AWDALITE AH OO KU HAWLAN MIDAYNTA BULSHADA REER ADAL OO DOORASHADII REEBTAY XANAF BADAN
waxa hubaal ah in lagu jiro bishii barakaysnayed RAMADAAN KARIIM ee is cafinta iyo nabadayenta( shahrul tooba wa musaamax).
dhalintaa oo u badan indheer garad iyo mutacalimiin ka hufan isir sooc iyo qabaalad
ku suntan aragti fog hufnaan oo salkeedu yahay midnimo horumal iyo hiigso nolol
ka dib dib u dhac ku yimid bulshada reer Awdal oo ku caan ahayed (DADKAAGA DARYEELO
DANGUUD KU MIDOOBA
ISKAA U DADAAL,).
bulshada Awdal hal dariiqbaa soo gala kana baxa waa dariiqa BORAMA VIA HARGEYSA.
Bada iyo Hawadu waa xidhantahay taas oo aan maanta Dadkeenii masiibada dabeeciga ee
duufaanku ku dhuftay bad, beri, iyo hawo gego diyaaredeed la waayey meel looga gurmado
taas oo bad beri iyo hawoba godoon yihiin sida magaalooyinkii reer ADAL buhiimka u haa
ee ZAYLAC, LUGHAYA, BAKI ILAA CEEL LAHELAY, waxay noqdeen BARMUUDA wax gala iyo
wax ka baxa lawaayey.reer ADAL oo qaarada africa ahaa zaylac marsadii (sea port )u adeegi jiray
geeska Africa oo dhan.
waa nasiib daro bulshada awdalite la soo deeristay in ay maanta u gurman kari waa yaan
oo ay awoodi kari waayaan adeeg degdeg ah in ay bulshadaa siinaamigu ku dhacay in ay
ugu gurmadaan taas oo sobob u ah is gaadhsiin laan BAD , BERI , IYO HAWO toona.
tallo iyo tusaale inoogu filin dhibtaa dhacday ee murugada ma hadhada inagu reebtay
ee ilaa maanta oo toban maalmood ka soo wareegeen meel loo maro oo maacuun taakulo
laga gaadhsiiyo lalaa yahay ee lala daalaa dhacayo.
TAAG LAMA WAAYINE
TALLO XUUMAA JIRTA.
dhalinta iyo aqoonyahana bad qaba ka fayaw viriues kaa ina ragadiyey
ee ku abtirsaday QANSAX QADHMUUNE iyo QUDHAC QADHAADHE.
oo dhiig cusub ku shubi doona bulshada Awdal oo dhawaan
lagaga dhawaaqi doono Magaala madaxda gobolada galbeedka
BORAMA CITY.
KUWAAS OO KA HUFAN SIYAASAD IYO QABIIL
KU SUNTAN MIDNIMO
BOOGA DHAYIDII DOORASHADii
IYO HORUMARKA BUULSHA ADAL.
waa dhiig cusub ka madaxbanaan
qabiil iyo kala qayebin.
TAAKULAYEN ADUUN
TALLO MIDNIMO
IYO TAAGEER DADKAAGA
IYO DALKAAGA DAYOOBAY.
waa hadafka muwaadinka
da,da yar ee reer ADAL,
Taas oo dibad iyo gudo
gacan horu mar laga geysan
doono.
RAMADAAN KARIIM
LABA TALOBA TII ROON
RABAW ADAY TAADA
NOQOTAA.
MUSA AW HASSAN LODOON
AWDALI DUBAI.