Maxaa ka Jira In Gacanta Lagusoo Dhigay Dambiilayaashii Kufsiga Iyo Dilka U Gaystay Caa’isha Ilyaas?

Gaalkacyo(OWN)- Wararka magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay Raggii Falkii Foosha xumaa ee waxooshnimada ahaa kula kacay Caa’isha Ilyaas oo ahayd Gabar 12 jir ah oo ardayad ahayd.

 

Waxaana la sheegay in 4 qof ay ka danbayeen Dilkii iyo Kufsiga Caa’isho, waxayna Raggaasi ahaayeen Jaarka (Dariska) Reerka ay Caa’isha ka dhalatay qaarkoodna dhanka Hooyada ayey Qaraabo kala ahayd sida la xaqiijiyey.

 

Caa’isho ayaa la sheegay inaanay wax kalsooni daro ah ka qabin Nimankaas dilay waxayna ugu yeedheen guriga ay daganayeen oo u dhawaa Xaafadooda. Waxaana la sheegay in Nimankaas ay Caa’isha mararka qaar caawin jirtay oo ay u soo hagaajin jirtay Guriga lagu kufsaday kadibna lagu dilay.

 

Waxaana cadaatay inay God ay Habeenimo qodeen iyagoo usii diyaariyey si ay ugu xabaalaan Caa’isha balse uma suurto-galin inay ku soo aasaan taas oo ku kaliftay inay banaanka Gurigii ay ka dhalatay soo dhigaan.

 

Waxaa kiiskaan Fududeeyeyna sida la sheegayo Niman la sheegay in lacag lagu siiyey God-qodista ayaa sheegay arinkan kadibna baadhitaan dheer oo telfoonadii dib loo raacay ugu danbeyna kalifay in danbiilayaashii gacanta lagusoo dhigay.

Sawirka: Caa’isha Ilyaas

Oodweynenews Gaalkacyo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker