DAGAAL DAGAAL BUU DHALAA, NABADINA NABAD BAY DHASHAA-WAX WALBA NOOCOODAY DHALAAN.

Dagaalku haddaanuu xaq ahayn dagaal kaluu dhalaa. Dagaalka CEEL-AFWEYN dagaal siyaasadaysan oo gacan ku rimis ah oo beelaha walaalaha ah cid ujeedooyin Kursi iyo iimaan la,aan kuwo siyaasiyiinta isku sheegaa ay ka dambeeyaan buu ahaa, Dawladina hadday Musuqmqasaq iyo caddaalad daro iyo boob u jeesato way idha beeshaa oo Xukuumaddii uu Madaxweyne SIILAANYO ka xanuunsaday baa dagaalka CEEL-AFWEYN ku soo barbaaray oo kusoo taabo qaaday oo siyaasiyiin ka Mida iyo tijaar iyo caaqilo iyo boqoro ka midi ay wadeen sirdoonka kuwa isku sheegaana looma ogolayn inay soo dhexgalaan arinta CEEL-AFWEYN ee reeraha la isku dirayayey. Laakiin maanta waad ka dheregsantihiin inaan khasaare mooyee wax laga dheefay jirin waxaa laga dheefay dad aad u badan oo reer SOMALIAND ahi ku leedeen sabab la’aan, waxaa laga dheefay mudaharaadyo qabaailkii hubka isu guranayaan oo qoloqolo iyo cuqaal loo kala baxay waxay keentay in cadawgii aan jiritaanka Somaliland ogolayn inuu ku soo duulay Somaliland waa(Somalia) hadana ay soo socdaan. Dagaalkii CEEL-AFWEYN ee macno dararada ahaa ee oo loo yiqiin dagaalkii GUURTI-WAAYE EE CEEL-AFWEYN LOO BIXIYEY ayuu noqday, waxaa kaloo aynu ka dheefnay inay inaga dhex dilaacday militarigii oo kala baxay jabhada ABU BASIIR WAA COL. Caare e ay gooni u baxday markaasaa cadawgii arkay inay Somaliland burburkii ku bilawday taasaa DAGAALKA TUKA-RAQ inoo soo horjeedo oo soo hor kacday waa hubaal.

Xukuumadda Muse Biixi haddaanay isbedel siyaasadeed bilaabin oo rasmiya la iman oo dhaba oonay bedelin Siyaasaddii ay Xukuumaddii SIILAANYO ka XANUUNSADAY dhabarkaynu ka jaban nay. Dagaalka CEEL-AFWEYN waa in Hargeysa gudaheeda lagusoo afjaraa ragga wadana la hor fadhiistaa oo ay ku qasbanadaan inay joojiyaan.
Dagaalka TUKA-RAQ hadday cadawga Somaliland sii wadaan wuu sii xoogaysanayaa xaggooda ta koobaad dadka gobolka SOOL hubkaa shacabka gacantiisa ku badanayaa, Amisom oon khayr lahayn baa iman ayaa, dagaalka Somalia wuu soo digo-rogan karaa. Somaliland midnimo taama wax aan ahayn wax iskagama celin karto.
Dawladdu dantii guud waa inay qaar badan la soo noqotaa sida Hamaha petrol ka warshadaha laydhka, Saldhigga Military ee IMMAARAADKA MAXAA UGA MEEL YAAL DAGAALKA AY SOMALIA KU SOO QAADAY BERBERA IYO SOMALIAND.
SIYAASADDII XUKUUMADDII SIILAANYO KA XANUUNSADAY MA ANFICI KARAYSAA MAANTA SOMALIAND WAA SU’AAL MUSE Biixi hortaal. Guurtida Suleiman talo xume ma anfacaysa Somaliland waa maya. Dhibaatooyinka Somaliland xabaarsantay qaar badan hadday sii jiraan Somaliland iskama celin karto dagaaladan u dhexeeya Somaliland iyo Somalia. Wixii dawladu lahayd tijaar ku sheeg iyo Siyaasiyiinta ayaa qaybsaday Dawladdu way dhuux la, ‘day waa arin muuqda in KULMIYE hii hore Muse Biixi GIRGIRE DABA U DHIIBAY.
Suurto gal maaha in wadanka dagaal qaybsado lacagtii Dekedda Berbera NA Abu Dubai lagu qaybsado.
MBashe (Meerkat)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker