Askari dad ku Laayay magaalo madaxda Thailand ee Bangkok

 

 

Wararka ayaa sheegaya in askariga uu Dad badan ku Laayay  Aagga magaalada Nakhon Ratchasima oo sidoo kale loo yaqaano Korat taasi oo dhacda waqooyi-bari Bangkog.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca ayaa BBC-Thai u sheegay in Jakraphanth Thomma uu weeraray taliyihiisa ka hor inta uusan toogasho ka fulinin xero milatari, Macbad Budista ah iyo xarun laga dukaameysto.

 

 

Askariga looga shakinsan yahay inuu falkan geystay ayaa waxaa la sheegeeya inuu isku qarinayo gudaha xarunta laga dukaameysto.

Warbaahinnada maxalliga ah ayaa soo werinaya in ugu yaraan 12 qof ay dhinteen, waxaana weli socda weerarka.

 

 

Muuqaalo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya goobta ay toogashada ka dhacday oo u dhaw xarunta laga dukaameysto.

Maamulka ayaa xidhay xarunta iyagoona isku dayaya iney gacanta ku soo dhigaan ninka weerarka soo qaaday, kaasi oo la sheegay inuu ku dhuumaaleysanayo gudaha dhismaha. Booliska ayaa dadka ku boorriyay iney dadka guryahooda ku nagaadaan.

 

 

Illaa haatan ma cadda u jeeddada ka dambeeysa weerarka balse askariga weerarka fuliyay ayaa cinwaannadiisa baraha bulshada ku baahiyay xilliga weerarka iyadoo bartiisa Facebook-na uu soo dhigay codsi ah inuu isa soo dhiibi karo iyo in kale.

Mar hore ayuu soo dhigay sawir bastoolad iyo saddex qasnadood oo rasaas ah, waxaa sidoo kale uu cod ahaan ku yiri: ”Waa xilligii la farxi lahaa.”

 

 

Bartii uu kulahaaa Facebook ayaa haatan la xidhay.

Wargeyska Bangkok Post ayaa sheegay in taliyaha la dilay ahaa Kornayl Anatharot Krasae iyo in dadka la dilay ay ku jirto haweewayn 63 jir ah.

Af-hayeen u hadashay Ra’isal Wasaare Prayuth Chan-ocha ayaa sheegtay in uu xaaladda aad ula socdo oo waxaanu tacsi u diray qoysaska dadkaa la laayey.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker