Wasiirada Maaliyada Africa Oo Codsaday In La Hakiyo Bixinta Daymaha , Coronavirus Awgeed
Wasiirrada maaliyadda Afrika waxay ku baaqeen in ay Qaaradu u baahan tahay lacag gaadhaysa 100 bilyan oo doolar in la helo, sidoo kalena la hakiyo bixinta lacagaha daynta ah ee Africa lagu lagu leeyahay si Loo helo talaabo dhiiri-galinaysa Qaarada si Bay yidhaahdeen Loola dagaallamo coronavirus.
Qiyaastii $ 44 bilyan oo doolar oo lacagta la yaboohiyay ah ayaa la filayaa inay ka timaado lacagahii daymaha ahaa ee ay dalalka Africa siin jireen dayn bixiyayaasha ay ka mid yihiin Bangiga Adduunka, Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF), Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) iyo hay’adaha kale ee lacagta.
Wasiirrada ayaa qabtay khamiista shirkan qabsaday iyada oo ay dulucdu ahayd in xal loo helo culaysyada bulsho iyo kuwa dhaqaale iyo dhibaatooyinka ka dhashay ee ay Africa ka dhaxashay Xanuunka coronavirus, sida ay shaacisay Hayada dhaqaalaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Africa maanta oo sniintii.
Si kastaba ha ahaatee Hayadu ma aysan cayimin wadamada ka qeybgalay kulanka.