Paul bogba Waligayo Heshiis lama Galayno ,, Maamula Kooxda Barcelona

 

Lataliyihii hore ee Barcelona ee dhinaca Ciyaartoyda Debedda, Ariedo Braida ayaa daboolka ka qaaday in kooxdiisu aanay waligeed isku dayin in Paul Pogba ay lasoo saxeexdaan Heshiis, waxaana uu meesha ka saaray warar dhowaan soo baxayay oo sheegayay in Camp Nou laga doonayo laacibka reer France.

 

 

Ariedo Braida oo waraysi siinayay wargeyska Marca, waxa kale oo uu sheegay in Barcelona ay rumaysnayd in Erling Haaland aanu ahayn nooca ciyaartoyda la jaan-qaadi karaya kubadda Barcelona,

Braida oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay inuu isku dayay inuu ka shaqeeyo sidii uu Pogba u tegi lahaa Barcelona ayaa ku jawaabay:

 

“Waa been. Waxa run ah in Albert Soler iyo anigu aanu tagnay Milan oo aanu la kulnay boodhka Juvenuts, laakiin wada-hadalka ka sokow, ma jirin dareen dhab ah oo aanu isaga kula soo saxeexanayno.

 

 

Xaqiiqdu waxay tahay in Pogba uu xili ciyaareedkaa ku dhamaystay Turin, isla markaana aanu doonayn inuu tago koox kale. Waxaan u sheegay inuu ahaa ciyaartoy wanaagsan,

 

Waxaanan kala hadlayay Albert Soler oo aan rumaysnaa inaanu leenahay xidhiidh saaxiibtinimo oo wanaagsan oo shaqsi ah, balse mar kale, xirfad ahaan, kamaanaan wada-shaqayn karayn (Saxeexa Pogba) sababtoo ah la iima ogolayn.”

 

 

Braida oo waqtigii uu AC Milan ka shaqaynayay keenay garoonka San Siro ciyaartooyo waaweyn oo ay ku jireen Ruud Gullit, Kaka,

 

Andry Shevchenko, Thiago Silva iyo kuwo kale, ayaa la weydiiyey sababta uu waqtigiisii Barcelona laacibiin waaweyn u keeni waayey sida Milan oo kale, waxaanu ku jawaabay: “Aniga masuuliyaddaas imay siinin,

 

Waxaanay ii direen shaqo kale. Waxa aan daraasaynayay ciyaartoyda, waxaanan usoo qoray magacyo sida Haaland oo Borussia Dortmund ah waqtigii uu ka ciyaarayay horyaalka Norway.

 

 

“Laakiin waxay kooxdu igu tidhi ‘Maya’ iyo in aanu lahayn hab-ciyaareedka Barcelona. Waxa kale oo aan usoo jeediyey ciyaartooyo Talyaani ah sida Nicolo Barella oo hadda Inter Milan ah ama Nicolo Zaniola oo u ciyaara Roma.

 

Laakiin haddii aanad lahayn masuuliyadda aad hawshan ku qabanayso waxba ma qabanaysid. Waxaan iska ahaa mid go’doon ah.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker