Maayarka Hargeysa Oo Lagu Eedeeyey Inuu Lacago Ku Bixinayo Siduu Isaga Reebi Lahaa Musharax Kale

Musharrax Yaasiin Cabdilaahi Xaashi oo kamid ah Musharraxiinta Xisbiga UCID ee gollaha deegaanka ee degmadda Hargeysa u tartamaysa oo ay isku juffo hoose yihiin Maayarka Hargeysa, ayaa sheegay inuu Maayarku lacago ku bixiyey sidii uu u baajin lahaa Musharraxnimadiisa,isla markaana uu jilaafooyin kale duwan u dhigeen,kuwaas oo ay kamid ahayeen in shahaadadiisa lagu sheego foojeri iyo arrimo kale oo ka baxsan xaydaabka tartanka.

Musharrax Yaasiin Cabdilaahi Xaashi ayaa sheegay in reer Gadiid ay awalba si bilaa turxaan ah tolnimo leh u wadda tartami jireen,balse Maayar Soltelko uu wadda quja-qujayn “ Waxaan jecelay in aan Tageerayaashayda iyo dad weynaha reer Hargeysa u xuso, beryahanba waxa suuqa wareegayey in aan yara iftiimiyo,waxa jirta in aanu meel ka wadda sharraxanay ninka aanu tolka nahay ee Cabdiraxmaan Soltelko,waxaan kuu sheegayaa Soltelkoow reer Gadiid weligood-ba wey soo sharrax-naan jireen oo laba laba ayey u soo bixi jireen oo si bilaa turxaan ah ayey u tartami jireen oo isma ay juqa juqayn jirin.”

Waxaanu uu intaas ku sii daray “Waxaan inadeer kugula talin lahaa lacagta faraha baddan leh ee kaaga baxaysay sidii anniga aad iskaga kay reebi lahayd in aad siiso danyarteena faraha baddan ee maanta u baahan in wax lala qabto, lacagta faraha baddan ee kaaga baxaysa in shahaadadayda lagu sheegi foojari, waxaan ku odhan lahaa lacagtaa aan danyarteena siino,lacagta baddan ee kaaga baxaysa in kolba CID-da la iiga yeedho inta aad tidhaah Yaasiin ayaa idilaya, anniga oo aan wax-ba dilin oo aan ahayn nin Dagaal,anniga oo maanta tartamaya oo og eray kasta oo iga soo baxaa inuu tartankayga wax yeelayo diyaar-na u ahayn inuu eray xuni iga soo baxo,Waxaan diyaar u ahay in aan si bilaa turxaana u tartano, waxaan diyaar u ahay, in aan saaxada aynu si qurux baddan ugu wadda tartan illaahay ayaa og cida soo bixi doonta, haddii aan ummada Hargeysa iyo dan yarta ,dan u nahay inuu illaahay meeshaa na keeno .”Ayuu sheegay

Dhanka kale Musharrax Yaasiin Cabdilaahi ayaa sheegay inuu ka sharraxan yahay xisbiga UCID, isla markaana uu sito tirade 106, halka Soltelkona uu KUMIYE ka sharraxan yahay oo uu sito labarka 201“Waad sharraxantahay anna waan sharraxanay waxa aad sidataa laba boqol iyo kow 201 Xisbiga KULMIYE ah, anna waxaan sitaa laba boqol iyo lix 106 xisbiga UCID ah, si qurux baddan inadeer aynu u tartano billaa turxaana, Bac-bacda iyo bug-bugta iska yaree Baqashadana meesha ka saar, Ragganimadu waxay ku jirtaa in si qurux baddan loo wada tartamo laba nin oo tol ah ayeynu nahay, anniga xagay xumaan iyo deel-qaaf kaga iman maayo, kurisga ayeynu la hadlaynaa kursiga ayeynu ku tartamaynaa kii khayr qaba ayaa soo bixi doona.”

Gunaanadkii Musharrax Yaasiin Cabdilaahi Xaashi ayaa fariin waano iyo wax sheeg ah u diray Mayar Soltelko “Tolnimada iyo ilmadeernimadu tegi mayso dadka aynu ku tartamayno ayaa ina kale xukumi doonna iyaga ayaa ina arkaya keena sax u socda iyo keena khalad u socda iyaga ayeynu ku tartamaynaa, iyaga ayeynu cod ka doonaynaa,haddii aad cod ku helaysid in aad i xidho,haddii aad cod ku helayso in aad tidhaah Yaasiin ayaa waxa iyeelay si la igu xidho umma malaynayo inuu qof bila’aadan ah oo degaanka aynu kasoo wadda jeednaa uu cod kugu siin doonno Hagar daamadayda ama in aad Yaasiin iska reebto.” ayuu yidhi Musharrax Yaasiin Cabdillaahi Xaashi oo UCID ka tartamayaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker