Goolhayaha Xulka Haweenka K/bada Cagta Ee SWEDEN Oo Bulshada Kala Kulantay Cay Iyo Aflagaado Kadib Markii Ay Muslimtay Sanadkii Hore

Goolhayaha Xulka Haweenka Kubadda Cagta ee Qaranka Sweden Ronja Andersson oo ah gabadh yar oo 19 jir ah ayaa la sheegtay inay markii ay soo islaamtay bishii May ee sannadkii hore ay bulshada kala kulantay caga-jugleyn iyo aflagaado.

Ronja Andersson waxay ka soo muuqatay Bandhig ka socday Telefishin ku yaalla dalka sweden oo ay kaga hadashay dhacdooyinka ay la kulantay intay islaamtay.

Ronja Anderson waxaa kaloo sheegtay markii ay 15-jirka ahayd inay is barteen Wiil Muslim ah oo u dhashay Turkiga, kaasi oo ay Qoyskiisa ka baratay arrimaha Islaamka, iyadoo qoyskaas u raacday dalka Turkiga, halkaasi oo ay ku baratay waajibaadka dadka Islaamka, ilaa ay markii dambe go’aansatay inay qaadato Diinta Islaamka.

Ronja Andersson waxay sheegtay markii ay noqotay qof Muslim ah inay dareentay Nolol aad u deggan, isla markaana ay akhrisato Qur’aanka Kariimka, Salaadda tukado, isla markaana ay soonto.

Halkan hoose muuqaal kale oo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker