Turkiga oo ku guuleystay tijaabada gantaal burburiya maraakiibta

Gantaalka burburiya maraakiibta ee “Atmaca” ee gudaha Turkiga lagu sameeyay ayaa lagu guuleystay tijaabadiisa, sida uu sheegay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Gantaalkan ayaa lagu tijaabiyay markab, sida uu sheegay madaxweynaha.

Waxaa lagu riday Badda Madow ee gobolka Sinop sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga.

Gantaalkan maraakiibta burburiya oo la sheegay inuu jari karo ilaa 200km (124 meyl) ayaa waxaa soo saartay shirkadda Roketsan waxaana maraakiibta lagu rari doonaa dhammaadka sanadkan 2021.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker