WAXAY ILA TAHAY IN MADAXTOOYO KU-MEEL GAADH AH LAGA YAGLEELO CEEL AFWEYN

Ka dib markii Shirwaynihii qaran ee 1997 lagu doortay Allah ha u naxariistee Madaxweyne Cigaal iyo M/weyne ku-xigeenkiisii Daahir Riyaale, labada masโ€™uul waxay isla garteen inay lagama maarmaan tahay in maamulka dowlada lagu fidiyo gobolada bari ee Somaliland. Si hadaba himiladaasi u hirgasho waxay labada masโ€™uul isla garteen in Madaweyne ku-xigeenku si ku meel gaadh saldhig uga dhigto xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo. Arintaasi waxay fudaydisay in Madaxweyne ku-xigeenku ka qayb qaato xalinta khilaafaadka beelaha iyo fidinta maamulka dowlada ee deegaanada bari.

Maanta xasarada ka aloosan Ceel Afweyn waxay noqon kartaa bar bilowga bur-burka Somaliland hadii aan si dhakhso ah wax looga qaban. Waxay ila tahay in madaxweyne ilaa shacab la garowsan yahay khatarta dagaalka Ceel Afweyn ee u dhexeeya labada beelood ee walaalaha ah, dagaalkaas oo galaafan kara nabada iyo jiritaanka Somaliland. Waxaan is leeyahayย ย taladii Cigaal iyo Riyaale ayaa mar kale loo baahan yahay. Laba talaabo ayay ila tahay inayย ย u furan tahay in Madaxweyne Muuse Biixi si degdeg ah ugu dhaqaaqo.

1)ย ย ย ย Maadaama dagaalka Ceel Afweyn uu soo noqnoqday, gilgilayna nabada iyo jiritaanka Somaliland, waxa ila haboon in Madaxweyne Muuse iyo ku-xigeenkiisa mudane Saylici si ku meel gaadh ugu guuraan Ceel Afweyn halkaasna laga yagleelo madaxtooyo ku meel gaadh ah oo ilaa mudo sanad ah labada masโ€™uul isku badbadalaan joogitaanka goobta. Tani waxay fududayn doontaa in si shakhsi ah madaweynaha iyo ku-xigeenkuย ย uga qayb qaataan nabadaynta iyo ka shaqaynta in aanay colaadaasi dib u soo noqon.

2)ย ย ย ย Si loogu tafaxayto in si dhaqan ah loo xalilo dagaalkaas, waxay ila tahay in Madaxweyne Muuse uu abaabulo madax dhaqameedyada Awdal, Sool iyo Sanaaag Bari si ay u dhexdhexaadiyaan labada beelood, xal kama dambays ahna uga keenaan colaadaas.

Allow tubta toosan na waafaji.

Mohamud Sh Cabdi Yusuf (Geedwareershe)

Minneapolis, Minnesota, USA

geedwareershe@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker