Mareykanka oo xabsiga kasii daayay haweeney aheyd ‘basaas caan ah’

Ana Montes- oo kamid aheyd basaasiintii ugu caansanaa dagaalkii qaboobaa ee uu qabtay Mareykanka ayaa laga sii daayay xabsiga kadib 20 sano ay ku xirneyd halkaas.

Haweeneydan 65 jirka ah ayaa ku dhawaad 20 sano basaas u aheyd Cuba iyadoo aheyd falanqeeya ka tirsan waaxda gaashaandhigga.

Kadib markii la xiray sanadkii 2001-dii, saraakiisha waxay sheegeen in haweeneyda ay qarkau saarneyd in gebi ahaanba ay kashifto howlgallada sirdoonka Mareykanka ay ka wadeen jasiiraddaas.

Mid kamid ah saraakiisha ayaa Ana Montes ku sheegay mid kamid ah ‘basaasintii waxyeellada ugu badan geystay’ ee uu qabtay Mareykanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker