“Somaliland Waxay Soomaalida Kale Dheerayd Guurtida, Guurtidiina Laaxin Baa Galay”!. Cabdikariim Axmed Mooge

Dalkani wuxuu lahaaan jiray Guurti Samo-Talis ah, oo gogoshooda tunka ku sita oo kolba halka dhiilo laga soo sheego aan habeen ka dhixin. Waxay ahayeen gadhcasayaal naftooda u huray siday ummadani nabad ugu wada noolaan lahayd! aan ka xuso Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf, Sh. Ahmed Nuux Fure, Sh. Muuse Godaad, Sul. Abdirahman, Haji Abdi Waraabe Alle haw naxariisto intooda dhimatay haji Cabdina cafimaad ayaan Alle u weydiiyay.

Waxay ahayeen guurtidii dhalisay nabaddii lagu asaasay dawladnimada Somaliland, Odayaashii iyo Guurtidii Somaliland ee sharaftaa lahaa…. hada laaxin baa galay ka dib markii siyaasi Saleebaan Gaal, gudoomiye looga dhigay! kii dhintayna inankiisii lagu badalay! halkay ka ahayd in la soo xulo oday kale oo leh sifooyinkii wanaagsanaa ee xubinta guurtida ka baxday!

Maanta midhiihii weynu haynaa oo wataa la’layahay guurti ka gurmata mashaqada Ceel-Afweyn! waxay ila tahay ama halays xilqaamo ama madaxweynaha qarankuba ha magacaabe in Guurti Qaran oo ka kooban qaybaha bulshada in loo diro Ceel-Afweyn, Guurti aan soo hoyan ilaa ay nadabada sugaan, guurti aan soo hoyan ilaa ummadda la walaaleeyo, guurti aan soo hoyan ilaa ay hubiyaan in nabaddu cago adag ku istaagto!Image may contain: 1 person, sitting

Abdikarim Ahmed Mooge

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker