Agaasimaha guud ee wasaarada hormarinta caafimaadka Ee JSL oo musuqmaasaqay liiska shaqaalaysiinta shaqaalaha ee sanadka 2018
Waxan halkan salaan gacaltooyo ka salaamaya inta cadaalada iyo dawlada wanaag jecel , waxan si gaar ah u salaamay dhamaan shaqaalaha wasaarada ย caafimaadka ee lagu tacadiyay .
ย Intaas ka dib tan iyo intii u xilka agaasimaha guud ee wasaarada hormarinta caafimaadka loo magacaabay agaasimaha imika xilka hayamd. Maxamed cabdi xergeeyeย oo kuย dhaw muddo hal sanno iyo badh ahย waxa jirtay cabashooyin iska soo daba dhacaayay kuwaas oo shaqaalaha wasaaradaasi ee dhamaan lix gobo lee Somaliland kaga cabanaayeen agasimahood , cabashooyinkaas oo badankoodu salka ku hayaan shaqo xumo iyo cadaalad darro u can ku noqday masuulkani, hadan idin la wadaago waxyabaha musuq ah ee masuulkan ku kacay oo aan idin qodobeeyo:
1.tiraba laba agaasimo waxeed oo shaqada wasaarda iska casilay ka dib marki ay sii wadi kari waayeen wada shaqaynta agaasimaha guud md xergeeye .
2.boqolaal ka mid sh shaqaalaha wasaarda caafimaadka oo badal shaqo u qaatay haayadaha kale ee dawlada iyago firdhad ah cadaalada xumada iyo xad gudubyada u md xergeeye kula kacaayo ย .
3. adeegyada caafimaad ee xarumaha dawladu bixin jireen oo hoos dhac balaadhani ku yimi taas oo loo aanaynaayo agaasime xergeeye.
4. qarashaadki ku bixi jiray talaalka oo ila hada la garan laโayahay halkay mareen .
5.cashuuraad lagu soo rogay gunnooyinka ay haayaduhu siiyaan shaqaalaha wasaarada oo si toos ah ugu dhacda jeebka agasimaha guud md xergeeye , lacagtaas oo boqolaal kun kor u dhaafaysa bishii.
6.maamul xumo iyo is barbar yaac ka muuqda badi xurumaha cafimaad ee dawlada taas oo sababteeda lo tiirshay md xergeeye .
7. lunsi hanta xadigeeda lagu qiyaasay rubuc milyan oo si toos ugula baxay akoonka uu gaar aha wasaarada .
Iyado ay jiraan intaas iyo in ka badan oo aan dib idin kula wadaagi doona aya waxa dhawaan dhacday boobki iyo cadaalad daradii ugu weynayd ee abid dhacda taas oo la xidhiidh qaabkii ย loo xushay shaqaalahi dhawaan lagu daray liiska mushahar qaadashada ee qaranka.
Hadab side ayuu dhacay qaab xulashadaasi?
Iyado tirade shaqaalaha la qaadanaayay uu dhanaa afar boqol iyo labo (402) lana sheegay ina lagu xulan doona cadaalada ayaa waxa dhacay waxa cadaalada aad uga fog isla markaan anfariir iyo dhabano hays kuย reebtay dhamaan shaqaalahii cadaalada wada dhawrayay.
Qaabka loo xushay ayaa ahaa nin jacayl ,qaraabo kiil iyo xididtinimo waxa wax lala yaabo noqotay inu liiski shaqaalaha uu af duubto agaasimaha guud ee wasaaradaasi md maxamed cabdi xergeeye una qaybiyay sidii uu isagu jeclaa , waxan ayaan daro noqotay markii ay gabiley oo kaliya aya nasiib u heshay 120 boos halka somalilandta kale ay qaybsatay inta oo hadhay , tiradan ay gabilay heshay aya dhamaantood ay isku qoys yihiin agaasime xergeeye .
120 shaqaale ayaa 80 ka mid ah ayna wali dhamaysan heerka waxbarasho taas macnaheed u yahay inay wali yihiin arday aan shaqo galin halka ay wasaarada shaqalaaheeda ay ka mid yihiin boqolaal so shaqaynayay mud ku siman 10 sano.
ย hayaada shaqaalaha dawlada oo ah meesha kaliya ee dhalinayarada Somaliland aya ku tuhmaayeen cadaalada aya la soo sheegaya inay cadaalada darada dhacdayย ay qayb ka tahay ka dib marki agaasime xergeeye u 30 boos ku casuumay gudoomiyahah haayada shaqaalaha dawlada md sharmaake geelle inu ku darsada liiska shaqalaaha isla markaan u fududeey cadalaada daradaaas .
gebogabadi waan halkan baaq uga diray cid kasta oo cadaalada u dhaq dhaqaada inay soo fara galiyaan cadaalada darada ku dhacay kumaan kun ee dhalinyara ah oo wadankooda jecel isla markana aan ย marna aku doorsanayn tahriib iyo wadan shisheeye.
Waxan si gaar ha baaq ugu diraya madaxweynaha JSL md muuse biixi cabdi oo aan leeyahay md madaxweyne masuulyintii aad umada u soo xushay ina y u adeegeen waa kuwaa kula kacaaya cadaalada darada iyo dulmiiga qaawan iyago ku takri falaayay awoodi aad u dhiibtay , isla markaan kala qaybinta ku wada dhalinyarada ย .
Md madaxweyne arinka soo faro gali waxan filaya arintan ayaa u baahan in looo diro hanti dhawraha guud iyo waliba odhitka qaranka ย si ay ugu baadhaan si qoto dheer oo daah furan .
Hadii taa la waayo oo agaasimaha guud ee wasaaradaaas md xergeeye aaad umada la qaban weydo waxan filayaa inay imin doonta in kumaan ka mid ah dhalinyarada Somaliland ay fuuli doonanย markabka Nabad iyo Nolol ee ay darawaliyaan md farmaajo iyo md khayre Somaliland ay noqon doontoย sac loo liso reer gabiley oo kaliya.
La soco qaybta danbe