Shacabka Aljeeriya Oo Ka Hor-yimi Gudoomiyaha Aqalka Sare Ee Dalkaasi Barlamaanku U Ansixiyey Inuu u Noqdo Madaxweynaha Ku-meelgaarka ah

Baarlamaanka Aljeeriya ansixiyey in Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalkaasi uu noqdo Madaxweynaha kumeelgaarka ah sida uu qabo Dastuurka dalkaasi. Madaxweynaha KMG ayey hawshiisa ku kooban tahay in muddo 90 maalmood gudahood ah kusoo diyaariyo doorashooyinka.

Balse shacabka kacdoonka ka wada dalkaasi ayaa diidan Madaxweynaha Kumeel-gaarka ah Abdulkader Bensaleh oo ay ku tilmaameen inuu kamid yahay ragga sida weyn ugu dhaw Madaxweynihii xilka ka degay Cabdicasis Boutaflika oo dalkaasi kasoo talinayey muddo ka badan 20 sano.

Boutaflika iyo Madaxweynaha KMG Bensaleh ayaa kamid ah raggii ka dhex muuqday siyaasada dalkaasi tan iyo intuu xoriyada qaatay, waxayna shacabka intooda badan doonayaan in gebi ahaan la bedalo nidaamka dalkaasi ka jira si loo helo nidaam iyo siyaasiyiin cusub oo dimuquraadi ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker