Somaliland Oo Ku Biirtay Dawladaha Soo Dhaweeyay Heshiiska Isreal Iyo Imaaraadka

Dawladda Somaliland ayaa ku biirtay Dawladaha Caalamka ee soo dhaweeyay Heshiis Toddobaadkii hore dhex maray Dawladaha Imaaraadka Carabta iyo Isreal.

Heshiiskan Isku-tagga Imaaraadka Carabta iyo Israel ayaa waxa ugu muhiimsan oo ay Israel ogolaatay inay joojiso deegaamayntii ay ka wadday Dhulka Falastiin, taasi oo horseedday inuu Khamiistii la soo dhaafay hirgelo heshiiskan oo uu Maraykanku muddo ka shaqayanayey.

Heshiiskan ayaa waxa ka hor-yimid isla-markaana diiday Dawlado uu Turkigu ka mid yahay, laakiin waxa soo dhaweeyay Dawladaha Germany, Masar, Bahrain, Oman, Ingiriiska, France iyo Qaramada Midoobay.

Wakiilka Somaliland u jooga dalka Kenya Amb. Baashe Cawil Xaaji Cumar oo hore u ahaa Safiirka Somaliland ee Imaaraadka oo ka hadlay heshiiska Isreal iyo Imaaraadka ayaa sheegay inay Somaliland soo dhaweynayso heshiiskaasi.

Safiirka Somaliland ee Kenya oo u warramay Wargeyska businessweek   ayaa yidhi  “Annagoo ah dad jecel nabadda, waxaan taageersanahay heshiiskii taariikhiga ahaa ee Caadiyeynta (Xidhiidhka) ee dhex maray Isutagga Imaaraatka carabta iyo Israa’iil.”

Safiirka Somaliland waxa kale oo uu sheegay “Heshiisku wuxuu tusaale wanaagsan u yahay iskaashiga ka dhexeeya waddamada gobolka ee danaynaya xasilloonida Gobolka iyo iskaashiga.”ayuu yidhi.

Somaliland ayaa xidhiidh la leh Dawladda Imaaraadka Carabta oo Maalgelin ka wadda Somaliland, sida Maalgelinta Shirkadda DP World oo Imaaraadka Carabta laga leeyahay ka waddo Dekedda Berbera ee Somaliland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker