Xildhibaan Deeq Xariir Cabdi oo si rasmi ah u Shaaciyay inuu u taagan yahay Doorashada Golaha deegaanka Hargeysa

Maanta waxaa si Rasmi ah loo shaaciyay Musharaxa golaha deegaanka Caasimada Hargeysa ee Beelwaynta “Ba’ Tagaal Waaq”, Eng Deeq Xariir Cabdi kaasi oo kamid noqon doona Musharaxiinta Doorashada Golaha deegaanka Hargeysa u tartami doona ee Beelaha Abokor Muuse.

Xafladan lagu shaacinayay Musharax Deeq Xariir Cabdi ayaa waxaa kasoo qayb galay Cuqaal, Waxgarad, Ganacsato, Dhalinyaro, Odayaal iyo Haldoor tiro badan.
Duubka iyo Waxgaradkii ka hadlay Madasha ayaa si culus u taageerayMusharaxa iyagoo ku balan qaaday inay Codkooda siiin doonaan, Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay ku doorteen Musharax Deeq Xariir Cabdi Aqoon Karti iyo Waaya aragnimo iyagoo ugu duceeyay in ilaahay ku guuleeyo hankiisa kursiga Xildhibaanka Golaha Deegaanka ee Caasiamda Hargeysa.


Haldoorkii goobta lagu shaacinayay Musharax Deeq Xariir Cabdi ka hadlay ayaa Geesta ku dheeraaday midnimada iyo wadajirka Beesha in la ilaaliyo, oo si isku duuban loo Taageero musharaxa layskana ilaaiyo waxyaabaha keeni kara in la kala qayb samo, Waxaana madasha laysla qaatay in aan la aqbali doonin Musharax kale oo aan ahayn Deeq Xariir Cabdi.


Dhanka kale Musharax Deeq Xariir Cabdi oo ka hadlay madasha lagu caleema saaray ayaa u mahad naqay dhamaan dadkii kasoo qayb galay xaflada waxaanu balan qaaday inuu Bulshada ugu adeegi doono si Hagar la’aan ah.
Guryosamo media

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker