Sirta Dahsooni Waa Habka Fahamka Maskaxda Aadamaha Qaybtii 2-aad

Muddo ka dib, dadkayagii saarnaa markabkaasi waxa la soo daristay hurdo yaraan ay sabab u ahayd dhawaaqa ciy’da mashxarada ay nagu raali-galinaysay marka ay fusho kaneecadii ku noolayd markabkii aanu saarnayn,  taasoo lahayd lix-lugood iyo in ka badan boqol (100) indhood, waxaanay ku duuleysay duulimaad hoose oo gaadhayey illaa iyo 18-feet,  inkastoo cimrigeedu uu aad u yar yahay, haddana, culeyskeeda waxa lagu qiyaasaa laba miligaram (2mg),  afka waxa ay ku lahayd  qayb tuumbo ah oo aad u dheeraa, kaasoo keeda labna uu  ku quudanayey si uu ugaga hello geedaha ubaxa leh ee saaran markabkaas, halka dhadigeeduna ay ku quudanaysay dhiigayaga.

 

Waxa kale oo lagu qiyaasaa Laba kun iyo todoba boqol (2,700) qabiilada ay ka kooban tahay kaneecadu, sida, Culiseta mosquito, Mansonia mosquito, Psorophora mosquito, Toxorhynchites mosquito, Wyeomyia mosquito, Uranotaenia mosquito, Orthopodomyia mosquito, Deinocerites mosquito,  oxorhynchites mosquito , haemagogus mosquito, asian tiger mosquito, psorophora ciliate mosquito, Marsh mosquito,  balse, waxa dhibaato soo gaadhsiiya aadamaha, teeda dhadiga saddexda qabiil ee kala ah,  Aedes mosquito, Anopheles mosquito iyo Culex mosquito.

 

Kuwaasoo sabab u ah inay u kala gudbiyaan cudurada kala duwan ee halista ku ah aadamaha, cuduradaas waxa ka mid ah, sida cudurada ku dhaca maskaxada ee loo yaqaano  Encephalitis “ Eastern equine encephalitis virus (EEEV) , chikungunya, Dengue fever, yellow fever, lymphatic filariasis,  elephantiasis (lugta maroodiga), malaria.

 

Ka dib, waxa aan isku dayey in aan war-bixin ka hello mareegaha wararka ay ku baahiso Ha’yada caafimaadka aduunka, taasoo aan ka akhriyey in ay u dhinteen 429, 000 oo qof, una jiifaan qayb ka mid ah dadka dunida ku nool cudurada kaneecada sannadkii aynu soo dhaafnay ee 2015-kii.

 

Akhriste, muddadaasi waxaan ku ogaaday mid ka mid ah siraha Dahsooni ee ku duugan kitaabka quraanka kariimka ah, waxa kale oo aan ogaaday in quraanka kariimka ah ay ku jirto Aayad aad kaga badbaadayso qaniinyada kaneecada,

 

Waxaan shiriyey oo aan iskugu yeedhay qayb ka mid ah dadkii saarnaa markabkaasi, waxaanan ku wargaliyey, haddii aad akhridaan suuratul Ibraahim Aayada 12-aad, isla-markaana, 7-jeer ku tuftaan biyo nadiif ah, ka dibna, aad ku rusheysaan goobta aad ku jirtaan, idinkoo isticmaalaya erayga idamka Alle (SW) nagu nabad gali, aad ka badbaadaysaan qaniinyada kaneecadaa aynu ka seexan kari weynay ciydeeda iyo qaniinyadeedaba, inkastoo dadka in yar ay u arkayeen inay tahay khurufaad, haddana dadka qaarkood markii ay tijaabiyeen way ka nabad-galeen qaniinyadii kaneecadaas.

 

la soco………….

 

 

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

 

 

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker