Qareen Ingiriis ah oo loo doortay dacwad oogaha Maxkamadda ICC.

Qareen Ingiriis ah ayaa loo doortay inuu noqdo dacwad oogaha guud ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC).

Karim Khan QC, waa 50 jir waxaanu haatan madax ka yahay koox ku hawlan baadhitaan ay Qaramada Midoobay ku hayso dembiyadii dagaal ee ay kooxda la baxday Dawladda Islaamku ka geysatay Ciraaq.

Weriyaha BBC-da ee arimaha diblomaasiyada, James Landale, ayaa sheegay in guushaa tartanka adag loo galay loo arki karo guul diblomaasiyadeed oo Ingiriiska u soo hoyatay ka bixitaankii Midowga Yurub ka dib.
Maxkamadda ICC waa maxkamadda keliya ee u xil saaran baadhitaannada dembiyada laga galay aadamenimada.

Khan wuxuu wareegii labaad ku helay 72 cod oo uu ka helay 123 dal oo codkooda madasha ka dhiibanayey, waxaanu muddo sagaal sano ah oo uu xilkaa hayn doono ka bilaabi doonaa magaalada Hague bisha June.

Wuxuu ka guulaystay musharaxiin ka socday dalalka Ireland, Talyaaniga iyo Spain.

Khan wuxu noqon doonaa dacwad oogihii saddexaad ee ay yeelato maxkamaddu mudadii 18 sano ahayd ee ay jirtay, waxaanu xilka kala wareegi doonaa garsooraha reer Gambia ee Fatou Bensouda.

Wasiirka arimaha dibadda Ingiriiska, Dominic Raab, ayaa soo dhaweeyey doorashadiisa waxaanu yidhi “waayo aragnimada baaxadda leh ee uu Karim u leeyahay sharciga caalamiga ah ayaa gacan weyn ka gaysan doonta in dadka ka masuulka ah falalka arxan darrada ah lala xisaabtamo oo cadaalad na loogu helay dadka ay dhibaatooyinka u geystaan”.

Tan iyo sannadkii 2018, Khan wuxuu madax ka ahaa baadhitaan ay Qaramada Midoobay waddo oo lagu doonayo in lagu garto maxkamad na lagu soo taago kuwii geystay gumaadkii Daacish ee Ciraaq ka dhacay.
Waayo aragnimadiisa qareenimo ee 27 sano ah waxa ka mid ah inuu ka soo shaqeeyey xafiiska dacwad oogaha Maxkamadda ICC ee dembiyadii gumaadka ahaa ee ka dhacay dagaaladii Yugoslavia iyo Rwanda.

Waxa kale oo uu qareen u noqday oo difaacay shakhsiyaad ay ka mid yihiin madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto, oo uu ka difaacay maxkamadda ICC oo ku weyday eedo ahaa dil, baro kicin iyo dhibaatayn la sheegay in ay dhacday doorashadii 2007. Sidoo kale waxa uu qareen u noqday Sayf Al-Islaam oo ah wiil uu dhalay hogaamiyihii Liibiya ee Mucammar Qadaafi.
Hawlaha ugu horeeya ee uu ku dhaqaaqi doono marka uu la wareego xilka dacwad oogaha guud ee maxkamadda ICC waxa ka mid ah inuu go’aan ka gaadho sida looga hawl gelayo baadhitaano khilaaf dhalin doona oo ah dembiyada dagaal ee ka dhacay Afghanistan iyo dhulka la haysto ee Falastiiniyiinta.

Sannadkii hore ayaa Maraykanka, Shiinaha iyo Ruushka oo aan midkoodna aqoonsanayn maxkamaddu ku soo rogeen cunoqabatayn Fatou Bensouda oo ah dacwad oogaha haatan xilka ka tagaysa sababtuna ahayd markii ay iskudayday in ay baadho falalka Maraykanka ee Afghanistan.

Sidoo kale Israel oo aan qudheeduna xubin ka ahayn Maxkamadda ICC ayaa ku eedaysay maxkamadda in ay ku xad gudbayso “dalalka dimuqraadiga ahi u leeyihiin in ay is difaacaan” waxaanay meesha ka saartay in aanay wax awood ah u lahayn in ay baadho dembiyada iyo gumaadka ka dhaca dhulka Falastiiniyiinta

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker