Ciidamada Somaliland iyo  Puntland Oo Madaafiic   isku-waydaarsanaya   Deegaanka TUKARAQ

Tukaraq(OWN)- Wararka ka imanaya  deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool ayaa waxa ay sheegayaan in deegaankaas laga maqlay   dhawaaqa Madaafiicda waaweyn  oo ay isku-waydaarsanayaan  Ciidamada Somaliland iyo  Puntland.

 

Labada  dhinac ayaa weli isku-horfadhiya deegaanka Tukaraq, waxaana saacadihii la soo dhaafay deegaanka ay labada dhinac ay ku sii daabulayeen ciidamo ad u farabadan taas oo abuurtay xiisad Cusub.

 

Dadka    ku hadhay deegaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegeen in Barqanimadii maanta mar qudha ay maqleen dhawaaqa Madaafiicda oo ay iksu-ridayeen Ciidamada labada Ciidamada Somaliland iyo Puntland, ilsamarkaana ay cabsi dareemayaan.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan shalay gelinkii dambe ayaa waxaa deegaanka Tukaraq gaadhay   Xubno ka socda Golaha Wasiirada Maamulkaas kuwaas oo ku hanjabay in aanuu  dagaalka kala dhaxeeya Somaliland joogsan doonin ilaa Ciidamada Somaliland ay ka baxaan Gobolka Sool.

 

Khasaaraha ka dhashay madaafiicda ay tukaraq isku-weeydaarsadeen Maanta Ciidamada Somaliland iyo Puntland wali lama cadeyn,balse wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro dhaawacyo soo gaadhay dad rayid ah.

 

Madaafiicda ay Maanta deegaanka Tukaraq isku-weeydaarsadeen Ciidamada Somaliland iyo Puntland ayaa imanaya xilli la hadal hayo in  madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu  deegaanka Tukaraq safar ku tegi doono.

Oodweynenews Newsdesk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker