Maxkamad diiday in lammaanaha is furey ay hantida kala qeybsadaan

Nairobi(OWN)-Maxkamad ku taala magaalada Nairobi ayaa diiday in ay wax ka badasho qodob ku jira xeerka guurka oo dhigaya in lammaanaha is qabay ay kala qaybsadaan hantida ay yeesheen markii ay is guursadeen kadib.

 

Ururka garyaqaanada dumarka ee Kenya ayaa maxkamadda tagay, waxayna doonayeen in xeerka laga dhigo in haweenayda iyo ninkii qabay ay kala qeybsadaan hantida marka la’is furo midkiiba boqolkiiba 50%.

 

Balse garsoore John Mativo  “Qofka ma ahan in uu guur galo, kadibna uu guurkii ka boxo isaga oo qaadanaya wax uusan u qalmin”.

 

Todobaadkii hore maxkamadda ugu sareysa ee Kenya ayaa sheegtay in aysan iyadu dhagaysan karin dacwad ku saabsan furiin, taas oo haweenay ay doonaysay in ay ninkeeda kala qaadato kala bar hantidii uu lahaa.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker