Maxay qorsheynayaan qoyska aabbaha Soomaaliyeed ee maqaska looga dhex tagay iyo isbitaalka ay arrintu ka dhacday

Waxaa xalay magaalada Wardheer ee gobolka Doollo, Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya lagu aasay Allaha u naxariistee Shukri Maxamuud Macallin Xasan oo u geeriyooday maqas calooshiisa looga dhex tagay.

Shukri ayaa muddo toddobaad ah ku jiray Isbitaalka Takhasuska sare ee Sheekh Xasan Yabare ee magaalada Jigjiga ee isla Dowlad Deegaanka Soomaalida, halkaas oo looga sameeyay qalliin looga saarayay maqaska, sida uu BBC-da u sheegay wiilkiisa, Maxamed Shukri.

“In muddo ah ayuu ka sheeganay killida uu maqasku xigay, wax baa iiga taagan oo i duraya ayuu dhihi jiray,” ayuu yiri Maxamed.

Shukri oo 65 jir ahaa ayaa saddex bilood kahor isla isbitaalka Jigjiga looga sameeyay qalliin dhanka caloosha ah, kaddibna uu ku laabtay magaalada Wardheer oo uu ku noolaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker