Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta U Ambabaxaya Dalka Qatar

Sidii lahadal haayay maalmahaan madaxeeynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu booqasho ku tago magalada Doxa ee Wadanka Qatar kadib markii uu casuumaad ka helay madaxda dalkaas.

 

Madaxweyne farmaajo ayaa safarkiisa waxaa ku wehlin doona,xildhibaano,wasiiro iyo masuuliyiin kale,waxaana markii uu halkaasi tago uu lakulmi doonaa amiirka dalkaasi Qatar Amiir Sheekh bin Hamad al-Thani iyo madaxda kale ee dalkaas.

 

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha sidaweyn u taageera dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne maxamed cabdullaahi farmaajo,waxaana masuuliyiinta Qatar iyo madaxweyne farmaajo ay kala saxiixan doono heshiisyo ay ka mid yihiin taakuleynta ciidamada,ganacsiga iyo qodobo kale.

Madaxtooyada Soomaaliya mashaacin inta cisho ay qaadan doonto booqashada madaxweyne farmaajo dalka Qatar balse waxa ay kusoo aadeysaa xilli uu weli jiro khilaafka dowladda iyo Imaaraadka Carabta.

Oodweynenews Muqdisho

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker