Isdhexgalka Bulshadu waxa uu keenayaa illawshaha qaddiyadda la isku hayo!

Waxa jira saamayn dhanka bulshada ah oo ka xoog badan siyaasadda. Waxa ka mid ah fanka iyo ciyaaraha. Sawirkani waa 2008dii oo aan  joogay dalka Baakistaan oo ay af, isir iyo dhaqan wadaagaan Hindiya. Fannaaniinta Baakistaan waa loo oggolaa inay Hindiya tagaan, waayo saamaynta ay ku yeelan karaan shacabka Hindiya ayaa yar. Waana laga horreeyay  fan ahaan.. Dal ahaanna waa laga ballaadhnaa…

 

Laakiin fannaaniinta Hindiya ee caanka ah looma oggola inay Baakistaan yimaadaan. Waayo waxa ay jibbada loo hayaa masaxaysaa loollanka labada dal ee xuduudda, siyaasadda iyo dhulk ah. Dadkuba inay ku hadaaqaan magaca Hindiya ayaa macquul ah, oo calankii Hindiya lagu lulo Islamabad.

 

Inay wada dheelaan kooxo ka socda laba gobol oo Somaliland iyo Soomaaliya ahi  waa inay kala sitaan labadoodii calan. Soomaaliya waxa heshiiska u saxeexa illaa 2012 Wasiirka Arrimaha Gudaha, taas oo ah inay u aragto qaddiyad dalkeeda ka jirta wadahadalku.

 

Waxa aan leeyahay qodobkaas isdhexgalka ha laga fiirsado… Yaan la isku mulaaqmin. Dadka liiqliiqanaya  ayay halis ku tahay. Qofka se aragti  u nool ma beddelayso.

 

Siciid Maxamuud Gahayr

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker