“HOGGAAN & HOGAAMIYE” (Akhriso astaamaha lagu garto hoggaamiyaha saxda ah

Hoggaan: Sida uu qeexayo qaamuuska af-soomaaliga erayga hoggaan waxaa lagu macneeyaa.

  1. Xarigga awrta la rarto luqunta iyo madaxa lagaga xiro oo lagu wado.

2: Maamul sare ee hay’ad dowladeed u qaabilsan arrimo gaar ah.

3:Qof howl- wadeen Qaran ama mid qoys (Hogaamiye dhaqam) ah.

Hogaamiye ama Hoggaanshe:

waa qof dad ama duunyo hor kaca, ama qof wax maamula.

Qaabka labadaas eray ay iskula fal-gali karaan waa inuu jiro qof wax hoggaamiya oo ah (hoggaamiye) iyo kuwo la hoggaamiyo oo ah (taageerayaal) ama hayin.

Dad & duunyo midkii uu doonaba ha ahaadee hogaamiyaha waxaa looga baahanyahay inuu kasbado hayinnimada dadka ama duunyada uu kolkaa hogaanka u hayo.

Kolka hoggaankaasi uu kasbado dad ogol ama duunyo hayin ah, sida sawirka ka muuqata ilma saqiir ah ayaa laba awr hoggaamin kara. kolkase hoggaamiyuhu uusan kasban dad ogol ama duunyo hayin ah, oday dambe ayaan hal awr ilmaha saqiirka ee uu dhalay midkoodna hoggaamin karin.

Hogaamiyaha bulsho waa inuu noqdaa geesi cod kar ah oo curin kara fikrad kicinaysa xamaasada dadkiisa, qancin kara, lana doodi kara taageerayaashiisa & kuwa kale ee isaga ka aragti duwan intaba.

Kolka aad isha mariso maqaalada ama buugaagta laga qoray hoggaanka  & hoggaamiyaha, intooda badan waxa ay isku waafaqsanyihiin in hoggaamiyuhu yahay sadex nooc midkood, kaligii taliye, kaligii taliye silloon & hoggaamiye talo-wadaag.

1-KALIGII TALIYE & ASTAAMAHA KALI TALISNIMADA.

  • Dad kooban ayuu kalsooni ka haystaa & inta danwadaaga ay yihiin.
  • Dhaqaale ayuu ku qanciyaa ama awood ayuu ku muquuniyaa inta xukunkiisa mucaaradsan
  • Had & goor waxa uu soo saaraa uu kala tashaday kaliya inta xayn-daabkiisa ku jirta ama uusan cidna kala tashan
  • Ma jecla in la mucaarado ama la dhaliilo, wuuna amaan jecelyahay.
  • Waa mid kala qoqoba oo qaybiya bulshada.

 

2-KELIGII TALIYE SILLOON & ASTAAMA LAGU GARTO

  • Waxa uu iska dhigaa mid dhagaysta bulshada
  • Wuxuu iska dhigaa qof aaminsan talo-wadaaga & dimuqraadiyada
  • Balse go’aankiisa ayaa u cad marka ay timaado fulinta.

3-HOGGAAMIYAHA TALO-WADAAGA

  • Dadku ayuu talada la wadaagaa
  • Wuxuu ogolyahay in la dhaliilo, la mucaarado, laguna amaano run xigmad & xaqiiq ku salaysan.
  • Waa qof u cudur daari kara shacabkiisa hadii uu gaf galo ama hawshii laga sugayay ka gaabiyo ama ku fashilmo
  • Dalkiisa & dadkiisa wuxuu la jecelyahay inuu ooga tago horumar iyo wanaag muuqda.

Guntii & gunaanadkii anigoo ka ambaqaadaya muuqalka wiilka yar ee hogaanka awrta haya, kuna fogaanaynin wixii hoggaamiye ay ka yidhaahdeen culuumta kala duwan, waxaa iiga soo baxaya in wiilkaa yari hogaanka awrtaas ku qabtay arrimaha soo socda:

Waa marka horee waa wax Ilaahay u sakhiray, taas oo aysan la’aanteed suurogal inoo ahaateen inaan hogaan iyo dabar ku xidhnaa xoolaha qaybahooda kala duwan.

Midda labaad waxuu wiilkaasi ku dhiiraday adeegsiga awoodiisa raganimo iyo xaqiijinta waxa laga filayo inuu ku tallaabsado kolka laga eego duruufaha ku xeeran.

Waa midda saddexaade waxaa awrta hogaanka lagu hayaa si qumman uga dhaadhacsan in wiilka yari yahay kii lahaa ayna tahay inay hayin u noqdaan.

Labadaas arrimood kolka lagu dabaqo hoggaamiyaha ummadda waxaa kuu cadaanaysa in qofka hoggaanka noo qabanaya ama noo ah looga baahan yahay inuu la yimaado dhiiranaan iyo meel marin wixii laga sugayay, taas oo ay ka dhalanayso in shacabkuna hayin u noqdaan hogaanmintiisa.

Taas caksigeeda waxaa ah in haddii hoggaamiyuhu talada ka tasowdo ay abuurmayso in shacabkuna tusmeysto wixii ay dantood bidaan taas oo la ogyahay waxa ka dhalan inay tahay talo ribata iyo tiih ummadeed.

Hadii uu mugdi kaaga jiro nooca uu yahay hoggaankaaga dhaqan ama kan siyaasadeed astaamahaas ka dhex raadi hab-dhaqankiisa.

Axmed Maxamed Xasan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker