Madaxweyne Ku-xigeenka Dalka Iran Oo Laga Helay Cudurka Coronavirus

Madaxweyne ku-xigeenka Iran ee arrimaha haweenka iyo qoyska Masoumeh Ebtekar, ayaa ka mid noqotay dadka laga helay cudurka Coronavirus ee dalkaas kusii faafaya, sida uu sheegay wasiir ku-xigeenka caafimaadka Iraj Harirchi.

Kiiska Ebtekar ayaa la sheegay inuu yahay mid fudud, islamarkaana aan cisbital loo dhigin.

Dhinaca kale, Iran ayaa sheegtay in tirada dadka u dhintay cudurka ay gaadheen 26 qof, taasi oo ah dhimashadii ugu badneyd ee laga diiwaan geliyo dal ka baxsan Shiinaha.

Tirada guud ee dadka uu Iran ku saameeyey cudurka ayaa gaadheysa 245 qof, oo ay ku jiraan 7 mas’uul oo sare.

“24-kii saac ee tagay waxaa la xaqiijiyey 106 kiis oo cusub, waxaana dhimshada ay gaadhay 26 qof,” ayuu yidhi afhayeenka wasaaradda caafimaadka Kianush Jahanpur, oo la hadlay taleefishinka dowladda.

Heerka dhimashada ee kiiska la xaqiijiyey ee fayraskan ayaa aad ugu sarreysa Iran marka loo barbar dhigo dalalka kale ee caalamka.

Ururka caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegay in laga yaabo inay taas ugu wacan tahay in qalabka tijaabada Iran aanu qabaneyn dadka fayraska uu ku yar yahay.

Dhimashadii ugu horreysay ee ka dhalatay Coronavirus ayaa dalka Iran waxaa la shaaciyey kaliya toddobaadkii tagay.

Dillaaca cudurkan ayaa sababay in mas’uuliyiinta ay baajiyaan salaaddii Jimcaha ee dhowr magaalo oo ay ku jirto Tehran, sida uu sheegay taleefishinka dowladda.

Wakaaladda wararka dowladda ee IRNA ayaa sidoo kale werisay in Iran laga mamnuucay inay soo galaan muwaadiniinta Shiinaha.

Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Kianush Jahanpur, ayaa ugu baaqay shacabka inay ka fogaadaan safarada aan lagama maarmaanka ahayn ee dalka gudihiisa ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker