Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Keating Oo Maanta Ku Waajahan Caasimadda Hargeysa

Hargeysa(OWN)- Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa la filayaa in uu maanta tagao Magaalada Hargeysa .

 

 

Waxaa uu shalay booqday Garowe,halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland C/Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ka mid ah xubnaha aqalka sare.

 

Safarka Keating ee Somaliland iyo Puntland ayaa lagu sheegay in uu daaranyahay sidii looga hortagi lahaa colaad dib uga soo cusboonaata degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool.

 

Ciidamada Somaliland iyo Puntland ayaa ku dagaallamay degaankaas,waxaana ay Ciidanka Somaliland qabsadeen 8ddii January 2018,wixii xilligaas ka dambeeyayna waxaa ka jiray xurguf dagaal.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa dhinaca Puntland kala hadlay sidii loo joojin lahaa in ay degaankaas dagaallo kale ka dhacaan.

 

Waxaa la filayaa sidoo kale dhinaca  xukuumadda  Somaliland in uu kala hadlo arrinta colaadda Gobolka Sool ee u dhaxeysa Maamullada Puntland iyo Somaliland.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker