Wasiirka Gaashandhigga Somaliland oo gaadhay Jiida hore ee Ciidanka Qaranka

Wafti uu hoogaminayo Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo uu wehelinaayo Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye gaas Nuux Ismaacil Taani iyo hoggaamo katirsan taliska guud ee ciidanka qaranka jsl ayaa gaadhay jiida hore ee ciidanka Qaranka Somaliland ee gobolka Sool.

Waftiga uu hoggaaminayo wasiirka Gashaandhigu markii ay gaadheen magaalada lasacanood ee xarunta gobolka sool waxaa halkaas kusoo dhaweeyay Taliyaha Aaga Bari ee Ciidanka Qaranka jsl S.guuto Cali Bare Xuseen.

Wasiirka gashaandhiga oo uu wehelinayo Taliyaha Guud Ee Ciidanka Qaranka jsl ayaa salaan ka qaatay Cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka ee ku sugan lasacanood.wasiirka iyo Taliyaha ayaa sidoo kale warbixino ka dhagaystay Saraakiisha Ciidanka Qaranka ee ku sugan jiida hore lasacanood.

Intaasi ka dib waftiga ayaa bilaabay kormeerka fadhiisamada ciidanka Qaranka ee ku sugan lasacanood oo ka mid ah kormeeradii ay ugu kuur gali jireen xaalada Ciidanka Qaranka jsl.

Waftiga ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona gobolada barriga Somaliland iyagoo gaadhi doona jiida ugu horeysa ee Ciidanka Qaranka Somaliland ee Tukaraq iyo Jiidaha Kale ee Gobolada Barriga Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker