MASKAXDA RUUXA QORAAGA AHI WAA BEER WEYN OO KALE WAX KASTA OO NIMCO AY KU YAALIIN, KOLBA INTUU SOO GUURAA MAR WAA HAL BUUG.

Usbuucan waxaa dadkii wadanka dhaqalihiisa dhibta ku hayey ka qayliyeen buugga HIRSI H. CALI oo hubaal run aad u badani ku qoran tahay, buuggii ugu akhriga badnaa ee ugu iibsadka badnaana wuu noqonayaa. Dadkuna waa inaanay ka akhriyin internetka waayo qoraagii buugga lahaa baa shaaciyey inaanuu internetka waxa la dhigay wada ahayn buuggiisii kana masuul ahayn waxa ku qoran buuggan cidkale dhigtay internetka. Dadkii somaliduna waxay noqdeen AWR kiraalayaal. ANIGA whatsapp kayga sagaal jeer baa la soo dhigay. Wadankeenana dhibaatooyinka ISOO dhami waxay kasoo unkamaan sharci wax la yidhaa oo ummadda u dhex ah baan jirin. Waa kaa II xidha, kaa ISOO ashtakeeya kan iska Zuma, kan iska siidaaya waa walaaq caynkaasa ayaa ka jira. Imika somaligu markuu dunida sharciga leh joogo hadhkiisuu ka baqaa oo intaa wuu gariirayaa oo warqad yar oo albaabka soo dhacdaa ayaamo dhan la ooyaa markuu Somaliland yimaado wuu xunbeeyaa, shirar jaraaid buu qabtaa, qabaailku isku diraa, hanjabaad buu TV kasoo baxaa, markuu Madaarada caalamka ku soo noqdo hadana BISAD BUU ISU BEDELAA(miyaw-miyaw) waa kan sharcigaygii, kiiba maaha. Waxaasu waxay ka Markhaati tahay qofka binu Adamka ahi markuu joogo meel sharci ka shaqeeyo iyo meel aan sharci ka shaqayn. Seddex nin oo TV yada aad uga soo baxa oo loo yaqaan libaaxyo waxay ka hadleen iyagoo kasoo horjeeda buugga Xirsi, mid walba wuxuu isku qiray inaanuu buugga akhriyin markaa waxaa cad inay wax qorida iyo wax akhriga kasoo horjeedaan asal ahaan. Dunidana horuumar ma iman illaa wax akhri wax qoridi timi mooyaane, Allah Diinta Islaamka Iqra buu ku bilaabay Rasuulkeennii suubanaa (scw). Seddexdaa nin waa Cali Grey, Buur madaw iyo afhayeenkii hore ee madaxtooyadii Siilaanyo). Markaa Xirsi kama soo horjeedaan dadka cilmiga leh ee wax akhriya ee wax qora ayey diiday yihiin inay sad ka hore soo galaan oo Afmiishaar nimadu inay sii socotay rabtaan. Madaxweunuhu waa inuu wax qorida iyo wax akhriga taageeraa, miisaaniyadna geliyaa dirtaana dadka wax akhriya. Qofka an si Joogta ah wax u akhriyin horuumar ma keeno, aragti dheer a ma keeno.

MBashe (Meerkat)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker