DAGAALKA CEEL-AFWEYN WAA MA DHALAYS REER MIYIGAA MAGAALOOYINKA LOO SOO RARAYAA SI SHISHEEYE RESOURCES U GURTO

Ninkii dagaalka CEEL-AFWEYN ka sugaya inuu wax dhalaw waxaan ku leeyahay waxba dagaalkaasi ma dhalayo

Mana dhalidoono, iska daa wax uu dhalee maalin kasta uu soo noqdo aas kuun baa badan Donna. Dagaalka ujeedadiisa u weyni waa in reer miyiga laga raro si shirk ado shisheeye ma data u gurtaan oo laga iibiyo dhul ka. Waxaynu haynaa noloshoodii dadkaa isdilaya oo ka hayaantay noloshii caadiga ahayd oo gaadhay wax aan caqliga caafimaadka qabaa qaadan karin. Waxay joogaan kuwaa isdilayaa haba kala gardaraadeene heer xun oo odaygii qofkuu awawga u ahaa dilkiisii aan xaqa ahayn ku farxaya, in an ku abtigiis dilkiisii ku farxaya, habaryartii ku farxayo iyo wixii la mida.
Noloshu markay halkaa gaadho ay Diinta Islaamka la iska laabo, qalbiga wuu bedelmaa, dagaalkuna wuu ku fidaa waayo cid walba nabadgelyo darro qalbiga uga beeranta.
Markaa waxan cidda ka dambeysaa marmar waxaad arkaysaa inay tahay cid rabta in miyiga laga soo dhammaado oo magaalada dadkoo dhami soo galaan. Somalida berigii hore miyigaa nabadgelyo badnaa, miyigaa caafimaad badnaa, miyigaan wax la kala iibsanjirin, imika miyigii isbedel baa ku socoda dagaalada aan caadiga ahayn sida kan CEEL-AFWEYN oo kale waxay soo dedejinayaan in miyiga laga soo dhammaado marka nabadgelyo ka suurtoobi weydo miyiga oo nin walba iskaga soo qaxo. Dadka qaar waxay dareen s anything in arintan Xukuumadda iyo tijaarta Waaweyn ka dambeeyaan si ay shaqaale bilaash ugu shaqeeya iyo macmiil badan u galaan sida India, Pakistan ama Ethiopia oo kale, miyiguna ay shirikaadka (resources) guitar, Xukuumadda iyo Tijaarta ay (landowners) ka noqdaan.
Arimaha iyo fikirada shisheeyaha ka imanaya reer miyigu ma oga ee wadanka ku soo badanya.
Arinkan miyiga la dagaal gelinaya waa arin Debedda ka yimi waanu ku fidayaa miyigoo dhan waxa lagu socdaana waa in dhulka shisheeye macdan, petrol ka iyo xayawaanka ka gurtaan laakiin weli shacabku ma fahmayaan waxa soo socda oo iyagu wax reer hebel la yidhaa ayey u xidhan yihiin oo qaflad ku noqday.
Shirkadaha shidaalka baadhaa iyo kuwaa macdanta gurtaa gidigood waa shirikaadka dilaaliinta ah ee soo ogaada wax walba oo meel ku jiraa dabadeed (Data) ka iibiya dawlada iyo shirikaadka caalamiga ah waana wada tuug wadamo badan ka mamnuuca. Tuug teenna siyaasiyiinta isku sheega ayaa HORGALLO U AH.
WAX JIRAABA CAKAARA.
MBASHE (MEERKAT)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker