Safaraadda Ethiopia Ee London Oo Lagu Eedeeyey Inay Kala Qeybiyaan Qurbo-Joogta Soomaalida

Dowladda Soomaalida Ethiopia waxay ku eedeysay Safaaradda Ethiopia ku leedahay caasimadda dalka Britain ee London inay Xeelladihii Gumeystaha u adeegsadaan si ay Qurbo-joogta Soomaalida ugu kala qeybiyeen Beel-beel.

 

Maxamed Colaad oo ah La-taliyaha cusub ee dhinaca Isgaarsiinta ee Madaxweynaha Dowlad-degaanka Soomaalida Ethiopia, Mustaf Cumar Cag-jar waxa uu si kulul u cambaareeyey Kulan ay Safaaradda Ethiopia ee London dhaawaan la yeesheen xubno ka tirsan Beelaha Soomaalida ee deggan London, wuxuuna arrintaasi ku micneeyey qorshe la doonayo inay Soomaalida dhexdooda lid isku noqdaan.

 

Safaaradda Ethiopia ee magaalladda London waxaa kaloo soo wajahay Mucaarado kaga imaanayso Waddaniyiinta Soomaalida, kuwaasi oo Baraha Bulshadda soo dhigay eedeymo ka dhan ah falalka aan Akhlaaqda ahayn ee ay Safaaraddaasi si gooni-gooni ah kula xaajoonayso Soomaalida qaabka Qabiiliga.

 

Safaaradda Ethiopia ku leedahay  dalka Britain ee London

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker