Jeer Nin Dalxiise Ah Qaniinyo Ku Dishay Dalka Kenya

Dalxiisaha shiinaha u dhashay ee ay jeertu feeraha ka qaniintay jeerta aad ayuu ugu dhawaa isaga oo isleh sawir ka qaado oo dalxiis ku joogay dalka Kenya.

Ninka shiinaha u dhashay oo lagu magacaabo Chang Ming Chuang oo 66 jir ah, wuxuu xilligaasi booqanayey balliga Navisha ee 90km (56mile) waqooyi-galbeed ka xiga caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

 

Ninkale oo dalxiise shiina u dhashay ayaa weerarka jeerta dhaawac uu ka soo gaaray. Sanadkan oo keli waxay goobtaasi jeer ku dishay 6 qof.

Biyaha moolka ah ayaa inta badan jeerta laga helaa, jeertana wuxuu ka mid yahay xayawaanaadka waaweyn ee biyaha iyo barriga ku noolaan kara oo ugu khatarta badan caalamka.

Dad goob joog u ahaa shilkaasi ayaa waxay sheegeen labada dalxiise iney jeerta aad ugu dhawaadeen iyaga oo ku sugnaa meel ku dhow hotel Sopa. Ninka dhintay oo dhaawac ah Isbitaalka ayaa loola cararay balse wuxuu u dhintay dhiig bax dhaawaca ka soo gaaray.

Dalxiisaha labaad Wu Peng, oo dhaawaciisa uu sahlanaana waxaa lagu daweeyey Isbitaalka Naivasha ku yaallo.

 

David Kilo, oo ah guddoomiyaha iskaashatada doonleyda ee Naivasha ayaa wuxuu wargeyska Kenya Star uu u sheegay baaxadda biyaha ee sii badanaya iney ka qabsadeen dhulki daaqsinta u ahaa jeerta, waxayna ku qasbanaadeen iney beeraha iyo huteellada dhulka bannaan ee ku yaalla ku soo dhawaadaan taasoo keentay iney dadka iyo duunyadaba ku soo dhawaadaan.

 

Wakaaladda daryelka duurjoogta Kenya waxay sheegtay iney arrimaha jeerta ay raadraac ku sameeynayaan.

Jeertu waa xayawaan dagaal badan, oo ilka waawey oo fiiqan leh, miisaanka jeertuna wuxuu gaaraa 2,750 kg (seddex tan), sanad kastana waxay jeertu Afrika ku dishaa dad lagu qayaaso 500 oo qof.

 

Dalka Kenya xagga dalxiiska wuxuu sanadki hore ka helay 1.2 bilyan oo doolar iyada oo ay u soo dalxiis tageen dalxiisayaal caalami ah oo gaadhaya 1.4. milyan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker