Mucaaradada isasoo Taraysa ee uu wajahayo Madaxwayne Farmaajo

 

 

 

 

 

Muqdisho (OWN)-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee mucaaradka ah ahaa weeraray madaxweyne Farmaajo isagoo arimo badan ku dhaliilay.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa u muuqda mid ka jawaabayay hadal maanta uu jeediyay madaxweynaha Soomaaliya, taasi oo ku saabsaneyn in dowlanimo aysan aheyn in dowladda Soomaaliya lagu dacweeyo Beesha caalamka.

Qoraalka xildhibaanka ayaa u qornaa Sidan:-

Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta sheegay in kulanka beesha caalamka ay Nairobi kula yeelanayaan Madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Galmudug uu yahay QARAN DUMISNIMO. Haddaba, Qaranka Madaxweyne Farmaajo ka sheekeynayo tolow waa kee ma midka Maraykankaa mise waa midka Soomaaliya?!

Madaxweyne Farmaajo markii la doortay bishii Febaraayo 2017 wuxuu diiday in uu ka tanaasulo dhalashada Maraykanka ee uu haysto, taas oo ay ka dhalanayso xuquuq iyo waajibaad badan oo dastuurka Maraykanka farayo qof kasta oo dhalasahada Maraykanka heysta ee dal kale madax ka noqda. Wuxuuna doortay in uu noqdo muwaadin Maraykan ah oo ka shaqeeya masaalixda Maraykanka, intii uu noqon lahaa Madaxweyne xalaal ah oo mudnaanta koobaad siiya dalkiisa iyo dadkiisa.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo wuxuu rabaa in uu been iyo boor isku qaris ku indho sarcaadiyo dadka Soomaaliyeed si uu uga dhuunto eedeynta la xariirta lacago la lunsaday oo beesha caalamka ugu talo gashay in lagu maalgeliyo adeegyada aasaasiga iyo mashaariicda horumarineed ee dowlad goboleedyada. Lacagahaas oo Madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiis labadii sano ee lasoo dhaafay ku qarash gareeyeen duminta iyo kala qaybinta dowlad goboleedyada. Shirka Nairobi na waxaa looga arinsanayaa sidii beesha caalamka iyo madaxda dowlad gobleedyada isaga waraysan lahaayeen meesha lacagtaasi aaday iyo cida lunsatay!

Sidaas daraadeed, waa nasiib daro aad u weyn runtii in maanta Madaxweynaheena la soo istaago wadamo shisheeye ayaa lala shirayaa iyo wadaninimo been ah oo faruuryaha Madaxweyne Farmaajo aan soo dhaafin labadii sano ee uu Madaxweynaha ahaa!

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker