Shabeel Lagu Dilay Buurta Wagar Ee Gobolka Saaxil Kadib Markii Uu Cunay Adhi

Degaanka loo yaqaano Qaboobe oo ku yaal dusha sare ee Buurta WAGAR ee Gobolka Saaxil ayaa lagu dilay Shabeel lab oo Lix neef oo Adhi ah ku cunay deegaankaas.

 

Maxamed Ibraahim Axmed oo ka mid ah dadka degaanka ayaa ii xaqiijiyey in shabeelkani uu toddobaadkan gudihiisa lix neef oo adhi ah ku cunay degaanka Qaboobe, kadibna laba nin oo ka tirsan qoysaska uu adhiga ka cunay ay ku guulaysteen inay shabeelkaas dilaan maalintii shalay ee taariikhdu ahayd 27 July 2020.

 

Sida uu sheegay Maxamed Ibraahim Axmed, bahalkan shabeelka ah waxa uu neefkii u dambeeyey qaatay habeenkii Isniinta, isagoo kala baxay xero adhigu ku jiray oo uu u soo dhacay, kadibna labada nin oo magacyadoodu yihiin Siciid Maxamed Axmed iyo Hayaan Siciid Axmed ayĆ a subaxnimadii shalay bilaabay inay raadiyaan shabeelka, kadibna waxay la kulmeen raqdii neefka cunaya, iyagoo toogasho ku dilay shabeelka.

 

Kaymaha waawayn iyo Shareerka geedaha cimmidha ah ee Buurta Wagar ayaa waxay sababeen in ay ku noolaadaan xayawaano sannadahan danbe laga waayay waddankeena, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Shabeelka, Libaaxa, Harimacadka inkasta oo dadyowga deegaankaas ku nooli aanay baryahaa arag Libaaxa, haddana waxay caddeeyeen in ay maqlaan cida Shabeelka, taasina ay u caddahay in uu ku noolyahay Kaymaha jiqda ah ee Buurta Wagar oo ah deegaan kala sareeya oo ay ku qarsoomi karaan habar Dugaag oo dhami.
Xawayaannadaas na waxa ka mid ah shabeelka la la dilay shalay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker