Daauud Cali Masxaf: Heesaagii, Codyaqaankii iyo Suugaanyahankii Galbaday Q.2aad (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Heestii Uu Laxanka Iyo Codka Ku Saaray Wakhiga Ugu Badan”

Marxuun Daauud Cali Masxaf oo la weydiiyay heestii uu muddada ugu dheer laxanka ku saaro ayaa yidhi “Aniga oo muddo kooban fanka ku jiray ayay Faadumo Cabdillaahi Kaahin (Maandeeq) oo fanka iiga horraysay in badani iga codsatay inaan laxanka u saaro heesta hadmaan dadab-gelaynnaa. Markii dambe ayaan u keenay aniga oo ku luuqaynaya, “waa ayo qofka qaadayaa?” ayay tidhi “waa aniga” ayaan idhi. Ma ay ogayn in aan heesaha ku luuqeeyo. Waxa ay tidhi “Abwaankii ayaan haddaa laba meeris oo kale oo inooga soo qaadayaa”. Abwaan Axmed Ducaale Xiiray ayay ka soo qaadday ereyo kale. Sidaas ayaanu u wada qaadnay”.

Waxa aad halkaa ka arkaysaa xurmada uu u hayay dadka ay isku xirfadda yihiin eek a waayo-aragnimada badan. Daauud Cali Masxaf waa sannadihii u dambeeyay ku noolaa dalka Jabuuti, waxaanu labadii gu’ ee u dambeeyay u wareegay magaalada Jigjiga.

 

Waa tan heesti:

Maandeeq:

Sidii webi durdurayoo

Labadiisa daamood

Dooggii ka soo baxay

Dacalladu is dhaafeen

 

Laamaha dushiisana

Shimburuhu ku doodaan

Ama dayr samaatoo

Dadku nabad ku wada yaal

Duunyaduna fooftoo

Ku dareertay hawdkii

 

Waan ku doonayaayoo

Anigana daraaddaa

Indhihii i daalee

 

Naftaa kuu diyaaree

Dadka kaan doortow

Hadmaan dadab gelaynnaa?

 

Daauud

Sida calanka dooggaa

Farxad iyo damaashaad

Dadku uu sare-kacay

Kolka loo dabbaal-dego

 

Ama Doollo iyo Hawd

Dixidiyo dareemada

Mulacyeeyay daadkii

Adigoon dib ii dhigin

Duunyana an igu xidhin

 

Waan ku doonayaayoo

Anigana daraaddaa

Indhihii i daalee

 

Naftaa kuu diyaaree

Dadka kaan ta doortaay

Caawaan dadab-gelaynnaa

 

Maandeeq

Sidii dayrcad ramadoo

Doox raysle joogtoo

Duhurkii makay tahay

Mayay dihini uu helay

 

Durdurada dhasheedii

Hadba dacal ka dhaaftaan

Kuu daawadaayoo

Naxariista daymada

Naftaa kugu daweeyaa

 

Waan ku doonayaayoo

Anigana daraaddaa

Indhihii i daalee

 

Naftaa kuu diyaaree

Dadka kaan doortow

Hadmaan dadab gelaynnaa?

 

Daauud

Marka diiggu uu ciyo

Daakiraadda subaxdii

Duhurkiyo habeenkii

Duulaa sidaan ahay

 

Waxaa la i dul keenaa

Degmadaad ku nooshee

Naftu waxay dareentaa

Inaggoo dalxiisoo

Daallo aynu joognee

 

Waan ku doonayaayoo

Anigana daraaddaa

Indhihii i daalee

Naftaa kuu diyaaree

Dadka kaan ta doortaay

Caawaan dadab-gelaynnaa

 

Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo Daauud Cali Masxaf.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker