Mareykanka iyo Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis deyn cafin

Safiirka dawladda Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto iyo Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Cabdiraxmana Ducaale Beyle ayaa kala saxiixday heshiis lagu dhimayo dibna loogu qaabaynayo daymaha ay dawladda Maraykanku ku lahayd Soomaaliya.

War saxaafadeed kasoo baxay safaaradda Maraykanka ayaa lagu sheegay in marka Soomaaliya ay gaadho wejiga ugu dambeeya ee dhamaystirka nidaamka dayn cafiska in daymaha ay Maraykanku ka cafiyeen Soomaaliya ay noqonayso 1 bilyan oo doollarka Maraykanka ah.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahad celiyey dowladda iyo shacabka Maraykanka cafinta deynta.

“Tallaabadan Dowladda Mareykanku ay kaga cafisay dalkeenna saamigeeda deyn cafintii dalalka Naadiga Paris ayaa ah tallaabo kale oo Soomaaliya ay u qaadday dhanka deyn cafin buuxda iyo horumar dhaqaale,” ayaa ku yidhi Ra’iisul Wasaaruhu war saxaafadeed loo diray saxaafadda.

Munaasabadda saxiixa heshiiskan oo uu goob-joog ka ahaa Siihayaha Ra’iisul Wasaare-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa qeyb ka ah is-afgaradkii shirkii dalalka Naadiga Paris ee lagu go’aamiyay in dalkeenna laga cafiyo deymaha ragaadiyey hor- u socodka dhaqaaleheenna, kuwaas oo dhan 1.4 Billion oo Doollar.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker