Wararkii Ugu Danbeeyey Xaaladda Deegaanka Ceel Afweyn Ee Shalay Dagaallo Ku Dhexmaray Laba Beelood ..

Wararka maanta  oo Khamiis ah ka imanaya deegaanka Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa   sheegaya  in halkaasi ay ka jirto xaalad deganaansho ah, kadib markii ciidamada Somaliland ay kala dhexgaleen maleeshiyaadkii is hayey.

 

 

Ciidamadan oo shalay gabaldhacii gaadhay deegaanada dirirtu ka dhacday  ayaa isla xalay waxay soo rogeen bandow, kaasi oo guud ahaan ka dhaqan galay deegaankaasi.

 

 

Waxgaradka gobolka Sanaag ayaa wada dedaalladii ugu dambeeyey ee lagu qaboojinayo xiisaddan, si Labada beelood u wadagalaan wadahadallo rasmi ah.

 

 

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa shalay sheegay in ka maamul ahaan ay waqti badan gelin doonaan sidii aanay mar kale dagaallo uga dhici lahayn deegaanka Ceel Afweyn.

 

 

In ka badan 10 qof ayaa ku dhimatay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Ceel Afweyn, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay.

 

Oodweynenews Newsroom

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker