Puntland Oo Xoriyadooda Usoo Celisay Kalluumaysato Ajaanib ah

Maxkamada Sare Ee Puntland Ayaa U Farisatay Kal Dacwadeed Lo Haysaytay Maxabiis U Dhashay Dalka Iraan Kuwaasi Oo Lagu Soo Qabtay Iyago Si Sharci Daro Ah Uga Kalumaysanaya Xeebaha Soomaaliya.

 

Maxabiistan Ayaa Mudo 8 Bilood Ah Waxay Ku Jireen Xabsiga Dhexe Ee Bosaso Waxana Horay U Xukuntay Maxmada Darajada Kowaad Ee Gobalka Bari, Iyado Xiligii Maxabiistan La Soo Qabanayay Laga Dilay Nakhuudihii Doonta Oo Isku Dayay Inuu Ka Baxsado Ciidamada.

 

17 Kan Maxbuus Ayaa Maxkamada Sare Ee Puntland Waxay Xeer Ilaaliyaha Sare Ee Puntland Maxamuud Xassan Iyo Xeer Ilaaliyaha Gobalka Bari Bashiir Hobaley Ka Dhagaysatay Eeda Loo Haysto.

 

Gudomiye Ku Xigeenka Maxkamada Sare Ee Puntland Nuur Ciise Ayaa Dhagaysi Ka Dib Waxa Uu Xoryadoodi U Celiyay 17ka Maxbuus Iyado Sido Kale Puntland Lagu Warejiyay Doonti Ay Wateen Xiliga La Soo Qabanayay Halka Nakhudihii Doonta Ee La Dilay Lagu Xukumay In Magtiisa Uu Bixiyo Mulkilaha Doonida Oo Dalka Iraan U Dhashay.

 

Intaas Ka Dib Gudomiye Ku Xigeenka Maxmada Sare Ee Puntland Nuur Ciise Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Sare Ee Maxamuud Xassan Xeer Ilaaliyaha Gobalka Bari Bashiir Hobaley Taliyaha Xabsiga Dhexe Iyo Sarakiil Kale Ayaa Kormeeray Qaybaha Uu Ka Kooban Yahay Xabsiga Iyagona Maxabiista Ku Xiran Xabsiga Dhexe ee Bosaso Ka Dhagaystay Eedaha Lo Haysto Iyo Inta Sano Ay Xiran Yihiin.

 

 

Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Sare Ee Puntland Maxamuud Xassan Iyo Gudomiye Ku Xigeenka Maxkamada Sare Ee Puntland Nuur Ciise Ayaa Xoryadooda Dib Ugu Celiyay Dhowr Maxbuus Oo Xabsiga Ugu Xirnaa Eedo Yar Yar Halka Kuwo Kalana Xeer Ilaaliyaha Gobalka Bari Lagu Amray In Maxmada Ay U Soo Gudbiyaan Eedaha Lo Haysto Si Xoryadooda Dib Logu Celiyo Kuwa Lo Hasto Eedaha Fudud.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker