Alshabaab oo sheegatay Dilka Sarkaal ka tirsan Milateriga Dowladda iyo Ergay kasoo jeeda Somaliland
Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilal xalay iy maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu dilay qof shacab ah iyo sarkaal ciidan.
War ay soo saartay Alshabaab ayaa lagu sheegay in koox ka tirsa ay maanta xaafadda Carafaat ee degmada Yaaqshiid ku dilay Xuseen Ciidgale oo la sheegay inuu ka tirsanaa Ergada kasoo jeeda Somaliland ee ka qeyb galay doorashada xildhibannada.
Fal kale ayey Alshabaab sheegatay inay ku khaarijisay sarkaal milatari oo magaciisa lagu sheegay Aadan Jiiro-kuulow, kaasoo xalay dabley hubeysan ay ku toogteen degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in in sarkaalkan lagu dilay Laanteeda labaad agagaarka maqaayada Xayaat, isla markaana uu ka tirsanaa ciidamada XDS, gaar ahaan 14 October, laguna magacaabi jiray Aadan Cabdi Amiin (Jiiro kuulow).
Ma jirto cid ka hadashay dilalka saacidihii ugu danbeeyay ka dhacay Muqdisho oo ka mida maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha Amniga.