Muuse Biixi & Saylici oo Kursigii ku haftey, ayaa Kulmiye Wadani & Ciro waxay ku cambaareyn Jireen Somaliya, …

Saylici weligiiba Kursigiisa lagu dul maamulo, ayaa waxa Magac looga dhigaa in
Siilaanyo & uusaba Gudi kasta ooy sameeyaan Gudoomiye uuga dhigan, oo inta Kursigiisa lagu dul maamulo, sida caruurta lagu maaweeliya Gudoomiye
Gudi, ta abaaraha, ta Xafladaha Jaamacadaha, ta 18 ka mey, waa Gudoo, Gudi.
Bal Hadaba, Ciro Xafladaha Somaliand ee 18ka Mey wuu ka qayb gali jirey ee
Maanta wuxuu uga soo hor jeedaa, oo Umada oo dhan la yaaban tahay waxa
Maalinta SYL, oo Xamar u dabaal degayso loogala mid dhigey Maalintii 18 Mey
Sidaas Darteed, Ciro & wadani & Shacabka Gude & Debed waxay ka hadleen oo diideen, in 18ka Mey loo bedelo 15ka Mey, kolkaa Kulmiye & Saylici oo iska
ciyaa yidhi Ciro weligii Xafladaha kama qayb galo 18ka mey, warbaahinta waxa
ku jirto Ciro oo isaga Saylici ag fadhiya oo kawada qayb galaya 18ka Mey.
Hadaba, Muuse Shaani & Saylici Bakhti, Wadanka & Umada wax u qabta oo
Ciro & Wadani haku mashquulina, ee Shidaalka Wasakhda ah ee Haamihii ku
shubateen, ee Umadii dhibaateeyey wax ka qabta, Dagaalka Ceel Afweyn ee
aad hoosta ka diraysaan Rasaasta & Hubka ee Ina Kaahin Wado wax ka qabta.
Sixir-Bararka, & Daadadka & Wada Xumada Shicibkii xiitaa Roodhidii & Biyihii
goyn kari waayey, ee ku qaailga noqdey wax ka qabta.
Muuse Shaani & saylici, Indho Doqoniimo Ciro & Wadani haku eegina, ee Indho Caafimaadka qaba ku eega, Shicibka dhibaateysan, & go,doonka Dibada
ee aad geliseen Saaxibadii & Safaaradihii ee dhinac kasta Farmaajo & Khayre
idinka soo xidheen.
Muuse & Saylici Isha qudha ee ay leeyihiin, waxay ku soo eegaan Wadani & Ciro, waa Il Doqoniimo, Saylici haku mashquulin Ciro & Wadani ee Umada wax
u qabo ,hakuna hadlin Afkii Baslihii Basaaska ee Ciro & Wadani eryeen ee Uur-\Cade, ee ku andacoodey Ciro Xuska 18ka Mey kamuu qayb geli jirin, eed sidii
Babqaaga aad Sayliciyow uga daba tidhi Ciro xuska 18ka Mey wuu ka dhuuman
jirey.
Aduunka waxa ugu daran, Nin tegey oon la tabin, Nin jooga oon la tirsan, kaasi
Waa Saylici, kolkaa inuu Ciro ka hadlaba maaha.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker