Daawo: Falanqaynta Ciyaaraha : Mikel Arteta Oo Bisha January Bilaabaya Dib U Dhiska Arsenal

Arsenal ayaa lagu soo warramayaa iney si dhaqso ah u gali doonto Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January, waxaana lagu soo warramayaa in tababaraha cusub ee kooxda Mikel Arteta uu durba bilaabayo hawl aan caadi aheyn.

 

Wararka la helayo waxey sheegayaan in Arsenal ay xiddig iyo lacag kaash ah isugu dari doonto Leicester City, waxeyna ka dooneysaa burburiyaha reer Nigeria – Wilfred Ndidi kaas oo ka mid ah burburiyayaasha ugu fiican Premier League.

 

Waxaa la fahamsan yahay in Wilfred Ndidi uu difaac fiican u noqon doono daafaca kala daadsan ee Gunners isla markaana uu shaqo fiican ka qaban doono khadka dhexe, tiiyoo ay jirto in kooxdaan aysan laheyn burburiye u diyaarsan jir ahaan horyaalka kaas oo ka miradhalin kara waxa looga baahan yahay.

Gunners waxey diyaar la tahay Granit Xhaka iyo 40 Malyan oo Pound, lama oga hadii Foxes ay soo diidi doonto dalabkaan la filayo iney Gunners gudbiso.

 

Halkan Hoose ka Daawo Falanqayntaas oo Dhamaystiran :

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker